Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay magaalada Addis Ababa

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:27:20 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay magaalada Addis Ababa

    Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu marti-qaad ka helay dowladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu marti-qaad ka helay dowladda Itoobiya.

C/wali Gaas ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Garowe Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, isagoo mar uu wariyeyaasha la hadlayay sheegay in Itoobiya iyo Puntland uu ka dhaxeeyo xiriir dhanka iskaashi nabadgelyada iyo ganacsiga.

"Maanta waxaa u ambababaxayaa magaalada Addis Ababa oo aan casuumad rasmi ah ka helay dowladda Itoobiya, waa ogtihiin Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo nabadgelyada, ganacsiga iyo la dagaalanka Argagixisada”ayuu yiri C/wali Gaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha Puntland ay la xiriirto arrinta ku aadan go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ku cadaadineyso inuu aqbalo go’aankaas, inkastoo kulan dhowaan Garowe ka dhacay oo dhex maray Puntland iyo wafdi ka socday Beesha Caalamka uu natiijo la’aan ku dhamaaday.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa dhowaan sheegay in Puntland gor-gortan ka galeyso aqbaalada doorashada dalka ka dhaceysa ee noqoneysa 4.5, isagoo ka dhawaajiyay suurta galnimada in Puntland ay qaadato go’aan ay gooni isaga taageyso Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay galaan-gal badan ku leedahay Maamul goboleedyada, isla markaana mararka qaar dhacda in Madaxdooda ay ugu yeerto Addis Ababa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip