HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA AGOOSTO 2019-KA

0
Tuesday August 20, 2019 - 09:55:28 in Wararka by
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA AGOOSTO 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY DAAHFURKA MASHRUUCA DEKADDA HOBYO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farma ajo ayaa bogaadiyay boo qashada uu ma anta ku yimid dalka Ra' iisul Wasaare K/

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY DAAHFURKA MASHRUUCA DEKADDA HOBYO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farma ajo ayaa bogaadiyay boo qashada uu ma anta ku yimid dalka Ra' iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Md. Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Tha ni iyo wafdiga uu hoggaaminayay. Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qadar waxaa qaabilay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiid ka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daa hfurka Mashruuca Dekedda Hobyo.

 



"Waxaan uga mahadcelinayaa Dowla dda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhi smaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo ka le ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiib ka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaa sha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

XALIIMO YAREEY OO LA KULANTAY GUDDIGA KU KMG EE DIYAARINTA SHARCIGA DOORA SHOOYINKA

xaliimo yarey.jpgGuddiga ku meelgaar ah ee diyaar inta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay xarruunta Villa Hergeysa kulan ku la yee sheen guddoomiyaha guddiga madaxaba nnaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim {xaliimo yarey}.

Kulanka guddiga ay la yeesheen guddoo miyaha guddigga madaxabannaan ee do orashooyinka qaranka waxaa shir gudoo minaayay guddoomiye ku xigeenka gudd iga ku meelgaar ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shac abka Xildhibaan Maxamed Cumar Caymo oy.

Kulanka ayaa ahaa mid is xogwaraysi ah iyo sidii ay guddigga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ay uga caa win lahaayeen sharciyadda muhiimka ah ee doorashooyinka qaranka oo ay haatan gacanta ku haayaan guddigga ku meelgaar ah ee diyaarinta sharciga doorasho oyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo muhiim ah weydiiyay guddoomiyaha guddigga Mada xaBannaan ee doorashooyinka qaranka iyo madaxdii kale ee la socotay.

guddoomiye ku xigeenka guddiga ku me elgaar ah ee diyaarinta sharciga doora shooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy ayaa kaga mahadceliyay guddoomiyaha guddiga madaxaBannaan ee dooroasho oyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim {xallmo yarey} sida wanaagsan oo ay uga jawaabtay su’aalihii ay weydiiyeen xubn aha guddigga Ku Meelgaar ah ee diyaarin ta sharcigga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka.

Ugu danbeeyntii kulanka ay guddiga la yeesheen guddoomiyaha guddigga mada xabannaan ee doorashooyinka Qarank ay aa ku soo dhamaaday si wanaagsan.

RW ITOOBIYA & DHAXAL SUGAHA BOQORTO OYADA SACUUDIGA OO WADAHADALLO YEESHAY Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuud iga Carabiy, Maxamed Bin Salmaan, ayaa Maanta waxaa ay wadahadallo ku dhexma reen khadka dhinaca telefoonka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed.

labada-2

Dhaxal suga ha ayaa cabir ey sida uu u gu faraxsan yahay kaalinta uu Ra’iisalwas aa ruhu ka ciy aarey dhexdh exaadintii Milatar iga iyo Mucaaradka sida ay sheegtey wa kaalada wararka ee Sac uudiga Carabiya.

Wuxuu intaasi hadalkiisa ku daray in da wladiisu kaalin weyn ka qaadaneyso si dii loo xasilin lahaa wadankaasi suudaan oo dhowrkii bilood ee la soo dhafay ay ka jireen qalalaaso siyaasadeed. Golaha mila atariga ee ku meel gaarka ah iyo xoogaga xurriyada iyo isbadalka ay aa kala saxiix dey heshiis ah inay awooda wadaagaan maalinkii Sabtida ahayd. 2da dhan ayaa heshiiska ku saxiixay Magal ada Khartuum oo ah Caasimadda dalka Suudaan.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND OO QAADACAY GUDDI UU MAGACAABAY MADAXWEYNE DENI

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Gob oleedka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Ka raash ayaa ka hor yimid Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ee uu Magaa caabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Karaash ayaa sheegay in Ma daxweyne Deni uus an latashin kala sa meeyn magacaabi sta Guddigaas,isla markaa na aysan wax ba ka jirin magacaabista Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland. War qoraal ah oo ka baxay Xafii ska Madaxweyne kuxigeenka dowlad Go boleedka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash ayaa waxaa lagu sheegay in Gu ddiga uu yahay mid sharci darro ah,sidoo kalena uu ka hor imaanayo Dastuurka Puntland.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/IMG-20190818-WA0000.jpgHOOS KA AKHRSIO QORAALKA KA SOO BAXAY XAFIISKA AXMED KARAASH

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/WAA.jpg
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE QATAR OO LABO QODOB KALA HADLAY RA’IISUL WASAARE KHAYRE

Wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Kulanka_Qatar__4_-324x160.jpegWafdiga waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana qayb ka ah Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Ma jirto faahfaahin inta ka badan oo la bixiyay kullanka, oo ku soo aadday xilli uu xooggeystay xiriirka ka dhexeeya labada dal, tan iyo markii ay Soomaaliya ka mid noqotay dalal faraku tiris ah oo dhex dhexaad ka noqday xiisada khaliifka ee dhalisay in cunaqabateyn la saaro dalka Qatar.

CIIDAMADA BOOLISKA OO QABTAY XASHI ISHAD IYO JAAD LOO WADAY MAXAABI ISTA KU JIRTA JEELKA HARGEYSA

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Xashiishad lagu soo qariyay Qaad, taasi oo la doonayay in la galiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

''Ciidanka Boolisku waxay habeen iyo maalinba ku jiraan heegan, kana hawlgalaya inay sugaan nabadgeliyada iyo amniga, sidoo kalena la dagaalamaya mukhaadaraadka dhammaan gobolada dalka hawlgalkaasi ka socdo, ciidamada boolisku waxaa ay ku guuleysteen xidhmooyinka xashiishad ah oo lagu soo dhex qariyey qaadka oo loogu tallo galay in loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, loogana tuuro daarada, kadibna ciidamadda amaanka ee roondada sameynayay ayaa gacanta ku soo dhigay”ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliska Fooxle.

Waxaanu intaas ku daray "Waxaana lagu hayaa laba eedeysane, labadii eedeysanana gacanta ciidanka ayay ku jiraan sharciga ayaana la hor keeni doonaa, sidoo kale laba saldhig oo ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay qabtaan xashiishado daroogooyin Baco lagu soo xidhay oo raashinka Maxaabiista la soo hoos galiyay, tani waa mid aan ku amaanayo ciidamada Booliska, wey ku guuleysteen waana laba ka mida Saldhigyadda ciidamada”

Xashiishadan ayaa loo waday maxaabiista ku jirta jeelka, kuwaas oo xiitaa Jaadku mamnuuc ka yahay in maxaabiista loo keenno.

XIISAD U DHAXEYSA CIIDAMADA ITOOBIYA IYO KUWA KENYA OO KA TAAGAN M/KISMAAYO

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya isku horfadhiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya, laakiin waxaa wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya qorshahoodu yahay in ay la wareega n gacan ku heynta Amniga Garoonka Kismaayo.

Dhinaca kale warar arintan ku saabsn ayaa sheegaya in maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo diya arad laga leeyahay dalka Itoobiya.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada Jubbaland, iyadoo dhawaan looga dhawaaqay Labo baarlamaanka oo iska soo horjeeda.

Wixiii war ar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

QATAR OO SHAACISAY LACAGTA AY KU DHISEYSO DEKADDA HOBYO

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadan fulinta Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u fulin doonto Mashruuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo,kadib markii Muqdisho ay Shir Jaraa’id ku qabteen Wasiirka gaadiidka dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka gaadiidka Qatar.

Sidoo kale Mashuuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 174 Milyan oo Dollar.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

WASIIRKA AMNIGA DOWLADDA OO LA KULMAY LAAMAHA AMNIGA DHUUSA MAREEB

Ducaale....jpgWasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Mamxamed Abuukar Islaaw oo shalay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud, gaar ahaan inta uu socdo shirka dibuheshiisiinta ee dhawaan furmaya, looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howlgallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug, dhammaan reer Galmudug ayuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan shirka dibuheshiisiinta ayna dhistaas maamul ay u dhanyihiin oo danahooda ka shaqeeya

DFS OO TAAGEEREYSA OLOLAHA JABUUTI EE KA MID NOQOSHADA GOLAHA AMMAANKA QM

Farmaajo-and-Geelle.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal.

Wasiir Canshuur ayaa yiri "Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafogureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada.

"Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.”

"Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.

GUDDIGA KMG EE DOORASHOOYINKA PUNTLAND OO LA DHAARIYEY

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeelgaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarta kadib Madaxweynaha Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

"Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo latashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaandoonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

"Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ulatahay, waxaana uu xusay in iyagana lagarabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmamaay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

CIIDAMADA DOWLADDA SUURIYA OO GAA RAY MAGAALO ISTIRAATIIJI AH

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay sheegayaan in ciidammada dowladda ay gaareen duleedka magalaada istaraatiijiga ah ee Khan Sheikhun oo ka tirsan gobolka Idlib.

Xooggaga dowladda waxay maalmihii lasoo dhaafay kusii sii siqayeen halkaas, waxaana u suuro gashay inay qabasadaan waddada weyn ee gasho magaalada.

Dagaal xooggan ayaa dhawaan halkaas ku dhexmaray ciidammo taabacsan dowladda iyo kooxaha fallaagada.

Heshiis xabad joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Ruushka iyo Turkiga ayaa sannadkii lasoo dhaafay looga dhawaaqay gobolka Idlib si shacabka looga daadgureeyo halkaas balse heshiiskaas ilaa hadda ma uusan dhaqangelin.

Dadka u ololeeyo arrimaha xuquuqul Insaanka waxay sheegeen in duqeymaha ka dhacay gobolka Idlib tan iyo bishii April ay ku dhinteen dad ka badan 800 qof.

XILDHIBAANO KA TIRSAN 2 GOLLE BAARLA MAANKA OO EEDEYN U JEEDIYAY BEESHA CAALAMKA

Xildhibaano ka tirsa labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Maalmahan ku sugan Magaalada Kismaa yo ayaa eedeeymo kala duwan u jeediyay Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Xildhiba anada labada Golle Baarlamaanka Sooma aliya ayaa waxaa looga hadlay hannaanka ay u socoto doorashada dowlad Gobole edka Jubbaland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xildhibaano-324x160.jpg

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in dadaalada todobaadyadii la soo dhaafay Beesha Caalamka ku bixineysay arrimaha Doorashooyinka Jubbaland ay u muuqd aan kuwo dhinac kaliya Culeys saaraya.

Warka kasoo baxay Xildhibaanada ayaa a ku sheegeen in Xukuumadda Federaalka ay faragelin ku heysto Doorashada Jubb aland,isla markaana ay iska indho tirayaan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada ka tirsan ee Maalmahan ku sugan Magaalada Kis maayo ayaa Beesha Caalamka ugu baaq ay in aysan garabsiin fowdo iyo Shuruu cda dalka oo lagu tunto.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada.

MAXKAMADA SARE EE CIIDAMADA OO XU KUN KU RIDAY ASKAR DIL GEYSATAY

Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa Maanta markale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed,kuwaas oo dilal geystay.

LIIBAAN CALI YAROOW.pngYaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Boliiska Konfur galbeed oo racfaan ka qaatay xukun Maxkamadda darajada 1aad horay ugu riday ayay maxkamada sare dil ku xukuntay saaka Magaaladda Baydhabo.

Yaasiin waxaa loo haystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum lagu Magaca abi jiray Aadan Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Cidiam ada ayaa xukun dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isagana loo haysto dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Boliiska.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60aad ay xukun dil toogasho ah ku riday saddex Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed,kuwaas oo horay dilal u geystay.

SARKAAL KA GOOSTAY SOOMAALILAND OO PUNTLAND XIL LOOGA MAGACAABAY

Taliyaha-2Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawlkarnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland,waxaana uu horay u ahaa taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaad ee Somaliland,hayeeshee uu isku soo dhiibay Ciidamada Puntland. Xeerark ani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

MADAXWEYNIHII DALKA SUUDAAN OO MAAN TA MAXKAMAD LA SOO TAAGAY

Madaxweynaha xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan AlBashiir, oo dalka xukumay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuqmaasuq.

Madaxweynaha-suudaan-696x391AlBashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11kii April, kadib bilo ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah taliskiisa.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey AlBashiir inuu wajahayo dacwado la xiriira "haysashada lacag qalaad, musuqmaasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

Bishii April, hoggaamiyaha militariga ah ee hadda xukuma Sudan, General Abdel Fattah alBurhan ayaa sheegay in, in ka badan 113 milyan oo dollar oo ah kaash ka kooban saddex lacago qalaad ah, laga helay guriga AlBashiir.

Bishii May, dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in AlBashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn hoggaamiyey in xukunka lagu tuuro.

Dibadbaxyada ka dhanka ah AlBashiir ayaa billowday 19kii December, kadib markii dowladdiisa ay saddex jibaartay qiimaha lagu iibsado rootiga.

Maxkamadeynta AlBashiir ayaa tijaabo u noqon doonta, sida ay mas’uuliyiinta Sudan daacad uga yihiin inay tiraan xusuusta 30kii sanao ee xukunkiisa, oo ay maareeyeen rabshado baahsan, burbur dhaqaale iyo go’itaankii Koonfur Sudan.

DabDAD KU DHINTAY QARAX KA DHASHEY GAARI SIDAY SHIDAAL DALKA UGANDA

Ugu yaraan 10ruux ayaa ku dhimatay galbeedka dalka Yugaandha,ka dib markii uu qarxay uu ka dhashey gaari siday shidaal oo ku dhacay sadex gaari oo kale.

Boliiska dalkaasi ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dadkaasi dhintay ay gubteen ka dib kolkii shidaal uu waday Gaarigaasi uu qabsaday dab.

Gaarigaasi xamuulka ah ee siday shiidaalka ayaa warku intaa ku daray in uu ka yimid dalka Kenya.isla markaana uu ku socday Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo.

Illaa 30meherado oo kuwa ganacsiga ah ayaa ku gubtay qaraxii ka dhashay shidaalka saarnaa Gaarigasi,waxaana Afhayen u hadlay ciidamada Boliiska dalka Yugandha uu sheegay in laba Gaari oo Taksi ah iyo mid kale oo siday 20qof ,ay soo gaareen waxyeello.

DOWLADDA OO KU DHAWAAQDAY HOWLGAL LAGA FULINAYO GALMUDUG

7-34-696x464Wasiirka amniga gudaha XFS mudane Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dibuheshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si xoreeyo deegaannada Galmudug ee weli ay gacanta ku hayaan AlShabaab lana hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15aad ee qaybta 21aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in iskudhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wadashaqeynta ciidanka iyo Shacabka.

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada ay weli maamulaan Ururka AlShabaab.

Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wadashaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA QATAR OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Kulanka_Qatar__4_-324x160.jpegMagaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Mohammed bin Jassim Al Thani iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan dowla dda Soomaaliya iyo xubbno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Sooma aliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Hayeeshee weli wax faahfaahin ah dowlad da Soomaaliya kama bixin Ujeedka Waf diga ka socday dowladda Qatar ee soo gaaray Muqdisho.

Ciidamada amniga dowladda ayaa saakay inta badan xiray Wadooyinka waaweyn Magaalada,waxaana lagu arkayay Ciida mogaar ah oo ka tirsan dowladda.

KOONFUR AFRIKA: DAD LOO XIRAY BOOBKII LOO GEYSTAY GANACSATADA SOOMAALIDA

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Kooxo Burcad ah waxaa ay boob kula dhaqaa qeen Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad u ba dan Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaas oo

ku yaalla Magalada Soweto ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Booliska dalkaas ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen 18 Ruux oo lagu tuhmayo boobkii ka dhacay Xaafa daha Dobsonville, Meadowlands, Rockvi lle, Naledi, Zola, iyo Emdeni.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadkaan la xiray ay yihiin dad looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falkaasi boobka ah ee Ga nacsiyadooda lagula kacay dadka Ajaanib ta ah.

Sidoo kale dadka la boobay hantidooda oo Soomaali ay ku jiraan ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen in ay dib ugu laabaya an dalalkooda maadaama aysan dalkaasi ku heysan nabadgelyo oo markasta dil iyo boob la isugu darayo.

Wararka aan ka heleyno Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayana in deganaan sho aan caga badan ku taagneyn ay ka jir ti xaafaadihii uu boobka ka dhacay wallow la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Ko onfur Afrika.

XUKUUMADA BIIXI OO SI KULUL UGA JAWAABTAY FADEEXADA UU KU FURAY SHIIKH ADAN SIIRO

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay eedihii uu dhawaan u jeediyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro].

Sheekh Aadan Siiro ayaa hore xukuumada Madaxweyne Biixi iyo qoyskiisa ku eedeyay inay ku takrifalaan awoodii dowlada, isla markaanay ay sifo qaldan u adeegsadaan dhaqaalaha iyo awooda xukuumada.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland ayaa xukuumada uu ka tirsan yahay ka difaacay eedahaasi, isagoona sheegay in Madaxweynuhu marnaba uu ku takrifali karin dhaqaalaha xukuumada, wuxuuna yiri

"Sheekhu siduu sheegay maaha ee way ka duwantahay, sideedaba dawladu waxay ku shaqaysaa waa miisaaniyad miisaaniyadaasina waxay leedahay ilo ay ka soo baxdo, waxaanay leedahay madaxyo ay ka baxdo, wasaarada marka la qorshaynaayo wasaarad iyo hay’ado walba oo dawladeed qayb ayaa la siiyaa”.

"Qaybtaas la siiyo laftigeeda hoos ayaa loogu sii daadagaa oo shay waliba waxa uu leeyahay qoondayn, markaas miisaaniyadeedna 47% waa mushahar anigu mushahar ma haysan karo madaxweynuuna ma haysan karo mushaharka waa in la siiyo cidii lahayd sida bajadka ku cad, hay’ad walba intii u qorshaysnayd ayaa la siiyaa sida ku cad miisaniyada”.

Wuxuuna intaas kusii daray "Miisaniyada 28% waa hawl socodsiin shidaal, dayactir iyo safar kaasina sidiisa ayuu u baxaa anigu ma hayn karo ileen hadii kale hawshu ma soconaysee waxa soo hadhay 20% kuwaasina waa mashaariicda oo mashaariicdii ka soo wareegtay 2018kii waanu sii wada daynay”.

"Mashaariicdii 2019ka waxii aan baabuur ahayn waanu sii wada daynay waxa lacag ah oo nagu baaqday oo aanu meel dhiganay ma jiraan, wixii noo soo xarooday ee cashuurta ahaana shilin waliba waxa uu maray halkii loogu talogalay sida ay miisaaniyadu odhanayso fikir khalad ah ayaa laga haystaa wasaarada maaliyada dad badan waxay u haystaan meel sanduuq weyn leh oo lacagtu ku soo xarooto dabadeedna qofka mas’uulka ka ah wasaarada maaliyada madaxweynuhuna sida uu doono inuu ugu tagrifali karo maaha sidaas”.

BOGGA CAYAARAHA..

MANCHESTER UNITED OO BARBARO LA DHAAFI WEYSAY KOOXDA WOLVERHAMPTON…

Kooxaha Wolverhampton iyo Man United ayaa ku kala baxay barbaro 11 ah kulankooda labaad ay ku wada ciyareen horyaalka Premier League xili ciyaareedkan cusub ee 2019/2020.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 10 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 27aad Anthony Martial ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 10, kaddib caawin uu ka helay saxiixbkiis Marcus Rashford.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxda Manchester United ayaa ciyaarta ku soo gashay dardar xoogan waxayna abuureen fursado badan si u dhaliyaan goolka labaad ee dheesha, dhankeeda Wolverhampton ayaa raacdo u gashay sida ay ku heli lahaayeen goolka barbaraha.


Laakiin daqiiqadii 55aad xiddiga Wolverhampton ee Ruben Neves ayaa gool aan inaba caadi aheyn ee qurux badan wuxuu ka dhaliyay kooxda Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 11 ah, Joao Moutinho ayaana goolkan caawiyay.

1566246039335_lc_galleryImage_Wolverhampton_Wanderers_R.jpg Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 11, ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Wolverhampton iyo Man United, kulankoodii labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

1566243246090_lc_galleryImage_Manchester_United_s_Antho.jpg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip