Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Jarmalka lagu qabtay

0
Tuesday February 16, 2016 - 14:59:10 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Jarmalka lagu qabtay

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu dhawaan dalka Jarmalka uga soo qeyb galay shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu dhawaan dalka Jarmalka uga soo qeyb galay shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016), Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha aadan cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheeekh ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay xaaladaha ammaan ee dalka iyo xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Boko Haram, isagoo madaxda ka codsaday in loo midoobo la dagallaanka argagixisada.

Mudane Xasan Sheeekh ayaa kulamo la qaatey madax iyo diblomaasiyiin kuwaasi oo ay ka midyihiin Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip