Xisbiga WADANI oo ka baxay heshiiskii Xisbiyada Soomaaliland

0
Sunday August 18, 2019 - 23:16:39 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADANI oo ka baxay heshiiskii Xisbiyada Soomaaliland

    Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii ay la galeen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo khilaaf xoogan uu ka taagnaa mudo dhowr bilood ah. Ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii ay la galeen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo khilaaf xoogan uu ka taagnaa mudo dhowr bilood ah. Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in sababta ay heshiiska uga baxeen ay tahay in qodobadii qaar ee lagu heshiiyayuu jebiyay Xisbiga Kulmiye oo hadda ah kan haya talada Soomaaliland. Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in sababta ay tallaabadaan u qaadeen ay timid,kadib hadal shalay kasoo yeeray la-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada,waxaana uu sheegay in heshiiskaas uu qorsuhu ahaa in la horgeeyo golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Ugu dambeyn Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray la-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada Soomaaliland ay mas'uul ka yihiin xisbiga talada haya ee Kulmiye. Si kastaba shalay ayaa heshiiskaas ay horay u wada gaareen sadexda Xisbi ee Soomaaliland oo kala ah WADANI,KULMIYE iyo UCID la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliland,hayeeshee dood dheer kadib ay goluhu laaleen qodob ka mid ah heshiiska Saddexda Xisbi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip