Qof ka mid ah dadka ku sugan deegaanka Camaara ayaa ku soo waramaya in Ciidamada wali ay howlgalka wadaan, iyagoo gudaha u galaya xaafadaha qaar oo ay tuhunsan yihiin iney ku dhuumaaleysnaayaan xubno Shabaab ah iyo kuwo wada shaqeyn toos ah la leh.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Sheekh Yuusuf Salaad oo xaqiijiyay baaritaanadan ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan dad wax u basaasi jiray Shabaab iyo waliba kuwo ka tirsanaa.

Deegaanka Camaara ayaa dhowr jeer oo hore Al-Shabaab gudaha u soo galeen, inkastoo aanay dagaalamayaashooda aanay joogto ugu sugneyn, wixii ka dambeeyay markii duqeymo ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Xarardheere.

 

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay saaka howlgal qorsheysan ku galeen deegaanka Camaara oo qiyaastii 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere.






XIGASHO JOWHAR.COM