Guddiga doorashada Jubaland oo jawaab ka bixiyey warqaddii James Swan iyo tii DF

0
Sunday August 18, 2019 - 15:39:13 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga doorashada Jubaland oo jawaab ka bixiyey warqaddii James Swan iyo tii DF

    Kismaayo (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah iyo ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya J

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah iyo ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Dowladda federaalka ayaawarqaddeeda ku sheegtayinay natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, halkaJames Swan uu sheegayin haddii aan la sameyn is-beddelo ay beesha caalamka dalbatay ka hor doorashada, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada.

Xamza ayaa warqadda James Swan kaga jawaabay isaga oo sheegay in beesha caalamka aysan faro-gelin karin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo arrimaheeda ayada un xalisan karta.

"Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Xamza Cabdi ayaa dhinaca kale warqadda kasoo baxday dowladda ku tilmaamay mid ka baxsan awooddeeda, isaga oo sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn arrimaha gudaha maamul goboleedyada, gaar ahaanna Jubaland.

"Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan, waxaana muuqata in dadaallo badan oo dhinacyo kala duwan ah oo ay sameysay dowladda federaalka si ay isku hortaagto ay shaqeyn la’yihiin.



Xigasho;-Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip