Guddoomiye Ku-Xigeenada Baarlamaanka Jubbaland Oo Gacan Taag Lagu Doortay

0
Saturday August 17, 2019 - 23:18:10 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku-Xigeenada Baarlamaanka Jubbaland Oo Gacan Taag Lagu Doortay

    Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka maamulkaas. Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka maamulkaas. Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland,halka Cabdi Baaleey Xuseen isna loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland. Aadan Khaliif ma jirin wax Musharax ah oo la tartamay,waxaana Xildhibaanada ku doorteen Cod gacan taag ah,isagoo helay 72 cod. Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland ayaa Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland mar kale u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.Sidoo kale Cabdi Baaleey Xuseen ayaa waxaa tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa,sidaasina ayay Xildhibaanada Cod gacan taag ah ku Doorteen,waxaan uu helay 73 Cod. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay55,waxaana la tartamay Xuseen Shiinow Cali oo isna helay 18 Cod. Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip