Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Jubbaland Oo Dib Loo Doortay

0
Saturday August 17, 2019 - 23:15:29 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Jubbaland Oo Dib Loo Doortay

    Goordhow ayaa waxaa la soo gagabeeyay tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tart

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goordhow ayaa waxaa la soo gagabeeyay tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax,kuwaasi oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali. Sidoo kale Musharax Xuseen Shiinow Cali ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 18 Cod.Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada,waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 Cod,kaasio ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaas. Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip