Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
Friday August 16, 2019 - 21:01:27 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

    Duqeyntan ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka Marekanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyntan ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka Marekanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka,isla markaana lala eegtay xumno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana lagu garsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip