Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Mudug

0
Friday August 16, 2019 - 19:58:25 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Mudug

    Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Xero-dhagaxleey ee Bariga Gobolkaasi Mudug uu Maanta ka dhacay Shil Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Shilka ayaa yimid kadib markii uu deegaankaasi ku rogmad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Xero-dhagaxleey ee Bariga Gobolkaasi Mudug uu Maanta ka dhacay Shil Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Shilka ayaa yimid kadib markii uu deegaankaasi ku rogmaday Gaari yar oo inta badan dadka ku nool Gobolka Mudug ay u adeegsadaan safarka,isla markaana Gobolkaas looga yaqaano(Kob & Buud), waxaana shilkaasi ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ah halka 3 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.



Wariyeyaal ku sugan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen in saddex ruux ay qabaan dhaawacyo fudud,hayeeshee la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada yar yar ee ku yaalla deegaanka Xero-dhagaxleey oo 60km u jira degmada Hobyo ee gobolkaasi Mudug.

19-kii Bishii November ee Sanadkii 2017 ayaa shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah waxaa uu ka dhacay isla deegaanka Xero-dhagaxleey,waxaana dadka shilkaasi ku waxyeeloobay dhamaantood ay ahaayeen Shacab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip