Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashada Jubbaland

0
Friday August 16, 2019 - 06:25:04 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashada Jubbaland

    Beesha Caalamka ayaa baaq kasoo saartay khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland ka dib markii maanta ay booqasho ay ku tageen magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka ayaa baaq kasoo saartay khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland ka dib markii maanta ay booqasho ay ku tageen magaalada Kismaayo.

Warka beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe,guddiga doorashada iyo xuduudaha,qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ka dhagaysteen fikradahooda.

"Wakiilada ka socda AU, IGAD iyo UN waxa ay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho oo la isku raacsan yahay taasoo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan Federalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in la sii horumariyo habraaca doorashada ee guddiga doorashada iyo xuduudaha uu hogaaminayo ayna ka qeybqaataan dhammaan dhinacyada siyaasada ee Jubbaland.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka fogaadaan wixii ammaan daro keeni kara iyo weliba cabsi gelin ayna khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal si ay u helaan kalsoonida bulshada”ayaa sidoo kale lagu sheegay warka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip