Hogaamiyaha Shiicada Nigeria Oo Sun Jirkiisa Laga Helay

0
Thursday August 15, 2019 - 23:57:56 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Shiicada Nigeria Oo Sun Jirkiisa Laga Helay

    Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC.. Waxaa isbitaalka ku sugan ciidam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC.. Waxaa isbitaalka ku sugan ciidammo boolis ah oo ilaalinayo. Ibrahim Zakzaky ayaa kamid ahaa boqolaal ka tirsan Shiicada Nigeria oo xabsiga loo taxaabay sanadkii 2015-kii kaddib markii ay rabshado dhexmareen taageerayaashiisa iyo booliska dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay 350 qof. Wadaadka iyo xaaskiisa ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado. Gabadha uu dhalay wadaadka, Suheyla Zakzaky ayaa sheegtay in sunta ay ku baahday jirkiisa kaddib markii rasaas ciidammada militariga Nigeria ay ku fureen gurigiisa sanadkii 2015-kii. Waxay intaas ku dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si looga saaro.

 
Xigasho BBC-Somali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip