Sawirro:- Wefdigii Beesha Caalamka Ee Gaaray Kismaayo Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubbaland

0
Thursday August 15, 2019 - 21:35:40 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:- Wefdigii Beesha Caalamka Ee Gaaray Kismaayo Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubbaland

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Ayaa Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka Oo Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya James Swan Waxaa Kale Oo Wafdiga Kamid Ahaa Xubno Ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Ayaa Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka Oo Uu Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya James Swan Waxaa Kale Oo Wafdiga Kamid Ahaa Xubno Kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika Ee Soomaaliya, Taliyaha Guud Ee Amisom Iyo Xubno Kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.        




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip