Somaliland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga
Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.
Daa'uud Axmed Faarax guddoomiyaha gudiga imtixaanka maamulka Somaliland ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare ay u fadhiisteen ardey ku gaareysa 9,475 arday, imtixaanka dugsiga sare ayaa waxaa u gudbay 8,358 arday, halka 1,117 ardayna ay dheceen.
Dugsiga dhexe oo sannadkan ay u fariisteen 18,271 arday, ayaa waxaa gudbay, 16,604 arday, waxaana ka dhacay 1,399 arday, halka 268 ardayna aanay imtixaanka galin oo ay ka habsaameen.
Guddoomiyaha guddiga imtixaanka maamulka Somaliland Ducaale Axmed Faarax ayaa sidoo kale ku dhawaaqay tobanka ardey ee ugu sareeya imtixaanka, kuwaasoo kala ah.
1- Cabdibasid Abdirisaaq Cawil Cabdulahi, 907,
2- Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin Ibraahim, 904.
3- Cabdixakiin Cabdulahi Maxamed Diriye, 882.
4- Hibo Cabdi Xuseen Maxamed , 882.
5- Libaan Maxamed Cabdi Ducaale, 880.
6- Cabdisalaan Maxamed Xuseen Maigag, 878.
7- Maxamed Maxamuud Muxumed Warsame, 876.
8- Hibo Axmed Fouz Cumar, 872.
9- Cabdicasiis Mowliid Qalib Ducaale, 869
10- Cabdirisaaq Ibraahim Cali Deeq, 867.
Imtixaanka shahaadiga Somaliland ayaa waxaa sannadkan u fariistay 27,746 ardey, iyadoo ay dheceen 2,516 ardey.
Somaliland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga
Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo kuwa dhexe. Daa'uud Axmed Faarax guddoomiyaha gudiga imtixaanka maamulka Somaliland ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare ay u fadhiisteen ar