Galka Baarista oo shaaca ka qaaday sida Al-Shabaab ku dhex-gasho ugana dhex-shaqeyso DF (Dhageyso)

0
Tuesday August 13, 2019 - 20:50:43 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galka Baarista oo shaaca ka qaaday sida Al-Shabaab ku dhex-gasho ugana dhex-shaqeyso DF (Dhageyso)

    Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay

xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019.

Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray.

Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda.



Xubin horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Al-Shabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf

Audio Player


Xigasho:-VOA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip