Labada dhinac ayaa wadajir goob ku taal Mina, waxaana ay isla soo qaadaan xiriirka iyo walaaltinimada.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo geliyay ku sheegay inay sharaf u aheyd inay la qaxweeyaaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

"Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.


Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo Madaxweynaha Somaliland la yeesho Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, tan iyo markii xilkan loo doortay, sidoo kale waxaa loo arkaa mid yididiilo leh oo ka qeyb qaadanaya sidii la isku soo dhowaan lahaa oo dib wada hadalada labada dhinac loo ambaqaadi lahaa.