Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno Shabaab ah oo soo maray Somaliland

0
Tuesday August 13, 2019 - 18:14:42 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno Shabaab ah oo soo maray Somaliland

    Maamulka Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo soo maray deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana u soo gudbayey buuraleyda Galgala. Cabdirisaaq Faarax Warsame, Taliyaha Booliska bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo soo maray deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana u soo gudbayey buuraleyda Galgala. Cabdirisaaq Faarax Warsame, Taliyaha Booliska bariga gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag Al-shabaab kamida ah oo rabay inay galaan Buuraleyda Galgala.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo tiradoodu dhameyd 5-Nin ay soo dhex mareen magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Somaliland, isla markaana ay ka imaaden magaalada Beledweyne.

Taliye C/risaaq ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ciidamada Puntland markii horeba la socdeen dhaq-dhaqaaqa xubnahan ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna yiri "Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen”."Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen”.

Wuxuuna intaas kusii daray "Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5-qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay”.

"Waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay. Mana dafirin inay Al-shabaab ka tirsanaayen oo Welina baadhistu wey socotaa”.



Xigasho:-Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip