Sawirro: Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo la dhaariyay iyo ninka ugu da'da weyn…

0
Tuesday August 13, 2019 - 17:48:30 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 2
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo la dhaariyay iyo ninka ugu da'da weyn…

    Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa goor dhow la dhaariyay, kaddib munaasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa goor dhow la dhaariyay, kaddib munaasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Munaasabadda dhaarinta ayaa aheyd mid si toos ah looga daawanayay baraha bulshada, iyadoo la dhaariyay 73 Xildhibaan ee xalay liiskooda la shaaciyay, kuwaasoo koox koox loo dhaariyay. Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa 8 ka mid ah waxay yihiin Haween, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee Haween oo ka soo muuqda Baarlamaanka Jubbaland. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan labada xubnood ee ka dhiman Baarlamaanka, kaddib markii uu dhacay qalad farsamo, lana soo dhameystirayo Baarlamaanka Jubbaland oo tiradiisu tahay 75 Xildhibaan. Kulankii u horeeyay oo ay yeesheen Xildhibaanada, kaddib markii la dhaariyay ayaa waxay ninka ugu da'da weyn u doorteen Guddoomiye, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubbaland. Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa loo doortay inuu noqday Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip