Akhriso:- Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

0
Tuesday August 13, 2019 - 12:42:37 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 1
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:- Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

    Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxa kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshisiinta Galmudug iyaga oo soo bandhigay habraaca la xiriira qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta. Guddiga ayaa shirkjooda ka soo saar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxa kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshisiinta Galmudug iyaga oo soo bandhigay habraaca la xiriira qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta. Guddiga ayaa shirkjooda ka soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la qorsheeyay in uu dhaco 17-ka Bishaan waxaana qodobadaas ka mid ahaa. 1 Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka. 2 Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

 
3 Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

4 War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

5 Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka shirka dib u heshiisiinta xubnaha guddiga ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay booqasho ku tageen deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Gal-gaduud iyaga oo kula kulmay Odayaasha dhqanka oo laf dhabar u ah shirkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip