AMISOM oo dardar-gelinaysa duullaanka ka dhanka ah al-Shabaab

0
Tuesday August 13, 2019 - 12:07:46 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo dardar-gelinaysa duullaanka ka dhanka ah al-Shabaab

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay sii xoojinayaan dagaalka ka dhan ah al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa AMISOM ee Soomaalya danjire Francisco Madeira ayuu ku sheegay in AMISOM iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay sii xoojinayaan dagaalka ka dhan ah al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa AMISOM ee Soomaalya danjire Francisco Madeira ayuu ku sheegay in AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawlgallada millatari ee wadajirka ah ee ay kala horjeedaan Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada wali ay ku harsan tahay kooxda al-Shabaab. Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay in go, aankii ay wada gaareen AMISOM iyo dowladda federaalka ah ee ku addanaa in al-Shabaab laga adkaado isla markaana dib loo soo celiyo nabad-galyada iyo ammaanka uu wali sidiisii u taaganyahay. Danjiraha ayaa tilmaamay in xiriirka xooggan ee shaqo ee ka dhexeeya AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay suuragal ka dhigtay in si is daba joog ah ay u xoroobaan deegaanno fara badan. Ciidamada xoogga Soomaaliya iyo AMISOM ayuu tibaaxay in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan xoojinta amniga Soomaaliya kaddib guushii dhowaan ay gaareen hawlgalladii millatari ee isku dhafka ah ee ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose. Madeira ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahntahay ciidamo si wanaagsan u tababaran oo la wareega deegaannada kusoo laabanaya gacanta dowladda isaga oo dowladda federaalka ku bogaadiyay inay mudnaanta koowaad siiso ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip