HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 13-KA AGOOSTO 2019-KA
Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aaddan helista kursiga waxaa ay u gudbiy een Qaramada Midoobey iyo ururka Mido wga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika. Kenya oo xo ojinaysa sidii ay uga soo muuqan lahayn goobaha masiiriga ah ayaa la sheegay in ay jiraan waxyaabo gaar ah oo ku riixaya, sida inay guul ugu soo dhaweyn karaan dacwada ka taalla maxkamadda caalami ga ah ee la xiriira biyaha ay Kenya sheeg anayso ee xeebaha Soomaaliya.
GUDDIGA DOORASHOOYINKA JUBBALAND & ODAYAASHA XULAYA XILDHIBAANNADA OO KULMAY
Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa Shalay kulan ku yeeshay Guddiga Madaxa bana an ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Ju bbaland & qaar ka mid ah Odayaasha Dha qanka ee soo xulaya xildhibaannada Cus ub. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Gudd iga ayaa waxaa ay uga wada hadleen soo xulista Xildhibaannada Cusub iyo inay ka wada tashadaan sida ay u socdaan,xilli qa abka loo xulayo cabasho laga muujiyay.
Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland iyo qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka ay aa waxaa ay sheegeen in Guddiga doora shada ay isweeydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ku saabsan sida loo soo xulayo Xildhib aannada,isla markaana ay si wanaagsan socdaan
GOOBO GANACSI OO LAGU BOOBAY DALKA KOONFUR AFRIKA
Kooxo Burcad Koonfur afrikan ah ayaa u dhacay Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah oo ku yaalla dalkaas, iyaag oo qaatay lacag iyo Agab kale oo yaallay Goo bahaasi Ganacsi.
Wararka laga helayo dalka Koonfur Af rika ayaa waxaa ay sheegayana in kooxa ha Burcada ay galeen Dukaan ku yaalla xaafadda Mayfair ee magaalada Johanne sburg, iyaga oo qaatay lacag iyo alaab kala duwan. Wariyeyaal ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sidoo kale soo shegayaan in Kooxaha Burcadda ah ay dhaawac culus u geysteen Milkiilaha du kaanka oo u dhashay dalka Itoobiya, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan booliska dalka Koon fur Afrika ayaa tegay halka falka uu ka dha cay, iyaga oo Isbitaalka ula cararay Ninka la dhaawacay,waxaana ilaa iyo hadda ay san ka soo saarin wax war ah dhacdad aas.
WADAHADALADII TALIBAAN IYO MAREY KAN KA OO QADAR KU SOO GABAGABOOBAY
Wareegii ugu dambeeyay ee wadaha daladii u dhaxeeyay kooxda Talibaan iyo Mareykanka ayaa la soo gabagabeeyay.
Wadahadaladan ayaa waxay ka socde en muddooyiinkii ugu dambeeyay caasim ada dalka Qadar ee Doxa. Ma cadda in wax heshiis ah ay ga areen labada dhinac ee Mareykanka iyo Taalibaan.
Saraakiiska Mareykanka iyo kuwa Taa libaan ee wadahadalada ka qayb galayya ayaa waxay sheegeen inay wadatashi la soo samaynayaan hogaamiyayaashooda si loo qaado tallaabada xigta.
Wadahadalada labada dhinac oo 8 war eeg soo maray ayaa waxaa looga gol lee yahay in lagu soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Afqaanistaan.
Waxay khubarada ay wadaxaajoodkan ku tilmaameen in uu yahay kii ugu rajada waynaa. Madaxdii horkacaysay wadaxaa joodka ayaa ka dhoofay Dooxa 6 maalmo od ka hoe,waxayna sheegeen in hormar la ga sameeyay wadaxaajoodka.
Balse waxaa magaalada Dooxa ku su gnaa kooxihii dhanka farsamada si faah faahinta wadahadaladan loo qoro.
Haddii heshiis la gaaro waxay horsee di kartaa in Mareykanka ay ciidamadooda kala baxaan Afqaanistaan. Waxaa sidoo kale Taliban ay ka dib wadahadalo la yee lan doonaan dowladda Afqanistaan.
Mareykanka waxa uu horey ugu aqon sanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano. Balse waxaa muuqata in mareykan ka imika uu isku dayayo in qaab wadaxaa jood ah uu u maro xal u helidda dhibaata da afqanistaan.
Dagaalyahanada Taliban ayaa soo if baxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Paki stan. Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midow ga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.
inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada ba dan Afqanistan.
Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaaba yeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacu udi Carabiya.
Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.
Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da'doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.
Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka haye en Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada am maanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.
KOOXDA QABSATAY CADAN OO WADAHADAL DALBADAY
Hoggaamiyaha dhaqaaqa gooni u goo sadka ah ee Yemen, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka wadahad allo Sacuudiga uu martigelinayo, kadib markii dagaal uu la galay ciidamada dowl adda Yemen taageera, uu tobaneeyo qof ku di lay magaalada Cadan.
Aidarus alZubaidi oo ah hoggaamiyaha Golaha Kumeel Gaarka ah ee Koonfureed ee loo soo gaabiyo STC ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xabadjoojin laga hirgeliyo Cadan, halkaasi oo ciida madiisa ay qabsadeen madaxtooyada iyo xarumaha ciidanka.
Ciidamada uu hoggaamiyo Aidarus alZubaidi ee doonaya in Koonfurta Yemen ay hesho madaxbanaani ayaa toddobaad kii tagay dagaal xooggan la galay ciidamo daacad u ah dowladda.
Labadan dhinac, ayaa shanti sano ee tagay waxaa taageerayey isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta taageerada ka hela Iran.
Aidarus alZubaidi ayaa sheegay in dag aalkii dhacay toddobaadki tagay uu ka dha shay "daandaansi” ka yimid ciidamada da acadda u ah madaxweynaha dibad joogga ku ah Riyadh ee Abedrabbo Mansour Hadi.
Dowladda Yemen ee madaxweyne Ha di ayaa ku eedeysay jabhadda STC iyo Imaaraadka Carabta inay qaadeen "afga mbi” ayada ka dhan ah.
WAX KA OGOW DAAWADA KU JIRTA CUNISTA MUUFADA
Dadka Soomaaliyeed ayaa mudooyin aad u badan isticmaalayay cunista Muuf ada waxay ka mid tahay cuntooyinka laga sameeyo dalagyada ka soo baxa dhulka Soomaalida oo ay ugu horeyso Galaydu.
Xirfadlayaan xeeldheer oo Soomaaliye ed ayaa allifay habkan looga sameeyo Mu ufada Gallayda, waxay marta heerer kala duwan galayda marka ugu horeysa waxa lagu dhaqaa biyo waxa loo gudbiyaa qeyb ka mid ah mashiinka lagu jajabiyo galayda si loogu diyaariyo habka haadinta masafta gacanta si looga saaro baalka, mudo yar ka dib waxa loo gudbiyaa qeybta labaad ee soo saarta cajiinka.
''Inta aan cunin ha cunto Muufada inta cuntay ha sii badsato,Muufada daawo ay aa ku jirta, waxa kaaga marag ah inay daa wo ku jirto Gallayda maxay Kiinyaanku u cunaan sabuulka minaraal ayuu leeyahay ilkaha wuu adkeeyaa, ciridka waa kabaa'' sidaas waxa BBCda u sheegay Cali Cilmi Cali oo mudo ka badan 50 sanno cunayay Muufada.
SIDEE LOO DUBAA MUUFADA
Marka laga yimaado diyaarinta cajiinka laga sameeyo Muufada waxay u soo ware egtaa tinaarka oo ah qeybta lagu diyaariyo Muufada ugu macaan, Tinaarku wuxu ka samaysan yahay dhoobo loo sameeyay si da weel godan oo salka loo dhigay dab la ga shiday dhuxul.
Tinaarka lagu dubo Muufada
Dumar ku xeel dheer samaynta Muuf ada ayaa labada gacmood ku qaabeeya goobaabinta Muufada kadibna ku dhajiya meel ka sareysa dabka gudaha Tinaarka waxa loo daayaa mudo kooban inta ay ka bislaanayso Muufadu kadib ayaa lagu key diyaa weel ku daboolan maro si loo ilaa liyo heer kulka Muufada taas oo soo jiidata macaamiisha cuna.
'' Muufada xoog ayaa lagu yeeshaa mu do 40 sanno ah ayaan dubayay, bulshad una way jeceshahay, dabkana waan bart ay sida laysaga difaaco laakiin qofka aan baran way ku gubanaysaa'' sidaas waxa BBCda u sheegtay Maryan Cali oo sama ysa Muufada.
Muufo kulul markii dabka laga soo qaa do waxa loo alifay inay u baahan tahay iid aan uu kamid yihiin Macsarada, Moos,buskeeti, suqaar iyo maraq oo dham aantood wax tar u leh dadka cunaya dad badan ayaa aaminsan in cuntooyinka dabi iciga ah ay ka caafimaad badan yihiin kuwa la warshadeeyo.
Dadka Soomaalida ayaa inta badan ist icmaalayay Muufada muddooyin badan, Muufada ayaa ah cuntada kaliya ee loo sa meeyey hees kamid ah heesha Soomaal ida, heestan ayaa ka bixi jirtay bari sama adkii Raadiyaha Muqdisho waxa kamid ahaa miraha heeshtan, ''Muufo macaanay Muufo,maraqa ku dhuuqaan doonayaa muufo''
GALMUDUG OO AMMAR KUSOO ROGTAY DADKA MAGALADA GAALKACYO
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wa xaa amar la duldhigay dadka ku nool Ma galada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhi naca Amniga.
Ammarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, waxa ana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.
Sidoo kale waxaa la sheegay in cid ala ala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmud ug laga qaadi doono tallaabo sharciga wa afaqsan
Maalmihii lasoo dhaafay Saraakiil ka tir san Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa socdaal ku joogay Gobolka mudug kuwa as oo kulamo kala duwan la qaadanayay Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Saraakiisha Booliiska si loo xoojiyo Amm aanka iyo Xasiloonisa guud ee Gobolka mudug
Hoos Ka Akhriso Warqada kasoo baxday Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug.
MAAMULKA GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE OO KA HADLAY HOWLGALLADA CIIDAMMADA XOOGGA
Ciidammada milatariga Soomaaliya ay aa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka.
Guddoomiyaha gobolka, Ibraahim Aadan Cali oo howlgallada ka hadlay wuxuu shee gay in lagu doonayo sidii lagu xasillin la haa gobolka oo looga saari lahaa kooxda AlShabaab deegaannada ay kaga sug anyihiin.
Wuxuu usoo jeediyay dadka ku nool go bolka, inay si dhow ula shaqeeyaan ciid ammada milatariga ee howlgallada qor sheysan wada.
Ciidammada dowladda waxay dhow aan la wareegeen degmada Awdheegle iyo tuulooyin hoostaga, balse ururka AlShabaab ee dagaalka ka wada dalka wax aa wali gacanta ugu jira deegaannada mu hiim ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.
DAD SHACAB AH OO LAGU DILAY GOBOLKA SANAAG
Wararka naga soo gaaraya Degmada CeelAfweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaas Shalay uu ka dhacay weerar khasaaro geystay.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob kaalin Shidaal ah oo ku taalla CeelAfweyn ay rasaas xoogan ku fureen,taasi oo sabab tay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dha awac.
Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarka,halka tirro kalena ay ku dhawaacmeen,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Gobolka. Arrintaan Shalay ka dhacday CeelAfweyne ee lagu dilay dad ka shacabka ahaa ayaa waxaa loo marey nayaa inay tahay mid aanooyin Qabiil ,iya doo ay xusid mudan tahay in dhawaan ha lkaas ay ku dagaalameen labo Maleeshiyo beeleed.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan la ga helayo Degmada CeelAfweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegay an in degmadaas ay ka jiro xiisad dagaal, taasi oo sababtay falkii Shalay ka dhacay deegaanka.
NIN KENYAN AH OO LAGU DILAY MAGAALADA BOOSAASO
Nin u dhashay dalka Kenya ayaa Shal ay lagu dilay magaalada Boosaaso ee gob olka Bari, sida ay booliska sheegeen.
Ninkan ayaa ka shaqeynayey shirkadda kalluumaysiga Ocean, waxaana dilkiisa ga ystay askari ka mid ahaa ilaalada shirk adda.
Taliyaha booliska qeybta gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud , ayaa sheegay ciidammada amniga inay gacanta ku dhig een ninkii dilka gaystay. "Hay’addaha baa rista ayaa lagu wareejiyay ninka dilka gey stay, iyaga ayaana sababta dilka ka dam beysay baaraya.” ayuu yiri taliyaha qaybta booliska.
Magaca ninka Kenyanka ah ee geer iyooday iyo macluumad dheeraad ah lama soo bandhigin, waxaana deegaannada Pu ntland howlo shaqo u jooga ajaanib u bad an kuwo ka soo jeeda dalka Kenya.
DADKII KU BAABA'AY MUSIIBADII TANZANIA OO LA AASAY
Tanzania ayaa aastay dadkii ku dhintay booyad shidaal oo sabtidii dalkaas ku qaraxday. Masuuliyiinta dalkaas ayaa she egay in markii gaarigaasi uu qarxay ay dadka qaarkood isku dayayeen in ay dhu rtaan shidaalkii saarnaa gaariga oo taag naa waddada ugu weyn gobolka Moro goro, halkaas oo ay ku dhinteen 71.
Aaska ka hor, boqolaal ka mid ah qaraab ada dadkii ay waxyeelladu soo gaartay ay aa booqday cisbitaalka si ay u aqoonsad aan dadkoodii halkaas ku dhintay, balse qaar badan ayaa gubtay oo la aqoonsan waayey.
Sidaas darteed, masuuliyiinta ayaa bal lan qaaday in ay qaadayaan hidda sidaha DNAda si dadkaas loo aqoonsado.
Shilkan ayaa ka mid ah musiibooyin is xig xigay oo ka dhacay guud ahaan qaar adda Afrika, madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaana dadka u ballan qa aday in uu joojin doono dadka naftooda khatarta u gelinaya shidaal dhurashada.
"Waxaa jira gawaari sida shidaal khatar ah, sida kiiska Morogoro oo kale, waxaa si doo kale jira kuwa sida kiimiko iyo waxya abo qarxi kara, fadlan aan joojinno habdh aqanka noocaan ah,"
Mr Magufuli ayaa ku dhawaaqay sadd ex cisho oo baroordiiq ah. Shilkan ayaa ka dhacay gobolka Morogoro oo qiyaastii 200 km Galbeedka uga beegan magaalada de kedda leh ee Dar es Salaam, oo ah maga alada ganacsiga ee dalkaas.
Magaalada Morogoro ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee la sii mariyo badeeco oyinka ka soo dega dekadda.
"Dad badan ayaa halkaan ku dhintay, xataa kuwo aan xadayn shidaal waayo waa meel aad u mashquul badan," ayuu yidhi Daniel Ngogo, oo goob jooge ahaa.
Taliyaha booliiska gobolkaas Willbrod Mtafungwa ayaa sheegay in dadka dhin tay ay u badnaayeen darawallo mooto dhu gdhuglayda ku shaqaysta.
Sawirro la soo geliyey Onlineka ayaa muujinaya qiiq iyo holac cirka isku sharee ray waxaana la arkay maydad halkaas daadsan.
Dorraad oo Axad ahayd dadka ayaa u baroordiiqay dadkoodii oo kun jiray naxa shyo la isugu keenay garoon kubadda cag ta ah oo halkaas ku yaal. Qaar ka mid ah eheladii dadkaas dhintay ayaana qaatay maydadkoodii si ay gooni ugu aastaan. Warfidyeennada ayaa sheegaya in musi ibooyin noocaan ah ay ku soo noqnoqda an qaybo ka mid ah Afrika, halkaas oo dad ka qaar ay bareeraan khatar aad u weyn si ay shidaal uga dhurtaan booyadaha iyo tuubooyinka.
Bishii horena ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Waqooyiga Nigeria ku yaal ee Benue.
MARAYKANKA OO CIIDAMO IYO QALAB MILLITERI U DIRAY SYRIA
Marayaknaka ayaa la sheegay inuu sii wado inuu Ciiddan iyo Qalab ku taageero Maleeshiyadda YPG ee ka dagalaanta gu daha dalka Syria, isla markaana gacanta ku haysta dhul ka mid ah Bariga Webiga Furaat ee dalkaasi.
Kolonyo Milliteriga Maraykanka leey ihiin ayaa la sheegay inay qalabkaasi ka gudbiyeen Albaabka Semelka ee ku yaalla xuduudkalaga galo ee uu dalka Iraq la wadaago Syria.
Arbacadii la soo dhafaay, Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga waxay isku raac een in Goob Ammaan ah laga sameeyo Waqooyiga Syria iyo in la dhiso Xarun Iska ashi oo ay labada dhinac ka maamulaan Deegaanka Nabadda.
Dhinaca kale, afar ka tirsan Dagaala mayaasha isku magacaaba Ciiddanka Di muqraadiyadda Syria ee SDF ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Gobalka Alxasakah ee W/bari Syria.
Milliteriga Maraykanka ayaa waxay ta ageeraan Maleeshiyadaasi ka soo jeeda Qowmiyadda kurdishka ee ku xooggan W/bari ee Syria.
AJAANIIB LAGU HAYSTAY XEEBAHA PUNTL AND OO DALKOODII LAGU CELIYAY
18 shaqaale ajaaniib ah oo lagu hay stay biyaha bariga Soomaaliya ayaa Shal ay dib ugu laabtey dalkooda.
Shaqaalahan ayaa dhammaantood ahaa kalluumaysato u dhalatay dalka Tha iland ee qaaradda Aasiya, iyada oo 14 ka le oo ka mid ahaa shaqaalaha ku xanibmay xeebaha bariga Soomaaliya gaar aha an biyaha u teedsan magaalada Boosa aso ay ku suganyihiin magaalada Dubai, kuwaas oo lagu wado inay iyaguna gaa raan dalkooda, waxaa ay sugayaan 4 xub nood oo kale oo ay shaqo wadaag yihiin.
Raggan ayaa la sheegay inay la socdeen Doon kalluumeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani 1, waxaana la xusay inay tacadi dhanka shaqada ah la kulmi jireen muddadii ay ku xanibnaayeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso, sida uu ku warramay wargeyska Bangkokpost.
Dib u celinta shaqaalahan kalluumaysi ay aa waxaa gacan ka geysatay xukuumad da Puntland, maaddama xeebaha ku teed san M/Boosaaso lagu haystay.
GUDDI LOO SAARAY DADKII LAGU DILAY MAGAALADA BAYDHABO
Madaxweynaha DGKG. Md.Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen aya guddigu saaray dadkii dhawaan lagu dilay dulle edka M/Beydhabo.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa isugu jira Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbe ed, taliyeyaal Ciidan iyo Maamulka G/Baay iyo kanadegmada Baydhabo.
Dilalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ahaay dadkii lagu dilay Cali Aadan Marguus oo ka mid ahaa Ganacsatada ugu caansan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MAGACAAB ISTA :
Guddiga waa 73 xubniod
QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka aaso,isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ee PMPF xili ay marayeen afaafka hore ee Hotel Boosaaso.
Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaasi oo saarnaa gaariga uu haleelay qaraxa.
Dhaawaca askarta ayaa waxaa la geeyay isbitaal ku taalla Magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa qarax lagula eegtay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax,isagoona ka badbaaday,hayeeshee waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaaladiisa,waxaana sheegtay Daacish.
CIIDANKA KUMAANDOSKA SOOMAALIYA OO DILAY 16 DAGAALYAHAN OO ALSHABAAB AH
Ugu yaraan 16 ka tirsan dagaalyahannada AlShabaab ayaa lagu dilay Soomaaliya kadib markii ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa tababaraan Turkiga ay weerareen fariisimaha AlShabaab ee gobolka Sh/Hoose, warbaahinta dawladda ayaa sheegtay Axaddii.
Weerarka ayaa lagu qaaday fariisimo AlShabaab ay ku leeyihiin meel u dhow magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay raadiyaha dowladdu leedahay. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa xaqiijiyay howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay bayaan lagu soo daabacay barta Twitterka.
"Guutadii 66aad ayaa Shalay waxay weerar gaadmo ah ku dileen 16 dagaalyahanno oo ku sugnaa Awdhegle”, ayay SNA ku tiri war saxaafadeedkeeda.
Ugu yaraan afar ka tirsan AlShabaab ayaa dilay millatariga Soomaaliya Arbacadii la soo dhaafay kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda ay weerareen xarun millatari oo ku taal magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya ayaa dib ula wareegay Talaadadii magaalada istiraatiijiga ah ee Awdheegle oo qiyaastii 70 kiiloomitir (43 mayl) u jirta koonfurta Soomaaliya ee Muqdisho.
NINKII WEERARAY MASJIDKII OSLO OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY
Maxkamad Shalay la soo taagay ninkii weerarka ku qaaday masjidka soomaalida ee Norway. Ninkan oo 21 jir ah luguna magacaabo Philip Manshaus ayaa maalintii sabtida isagoo qoryo ku hubeeysan galay masjidka Al Nour Islamic Center, kaas oo isku dayey in gumaad ka geesto, base dadkii masjdka ku cibaadeeysanayey ayaa ka hortagy ninkaas oo gacanta ku dhigay una dhiibay booliska markii dambe.
Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Erna Solberg, oo Dorraad gelinkii hore booqatay masjidka soomaalida ee magaalada Baerum, ayaa sheegtay dowladeeda damaano qaadeeyso ammaanka goobaha lugu cibaadeeysto, qof kastana xaq u leeyahay in ammaan ku jirto u caabudo diintiisa. Waxeey sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay falkaas naxdinta leh.
COLAAD CEELAFWEYN DIB UGA BILAABAN TAY OO DAD DUMAR U BADAN KU DHINTEEN
Shan qof ayaa hada la ogyahay oo sadex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada CeelAfweyn ee gobolka Sanaag.
Kooxda weerarka geystey ayaa la sheegayaa in ay tahay mid ka mid ah laba beelood oo dagaal soo jiitamey degaanka asi ku dhexmaray, iyadoo dadka dhintay na ay hal beel ka soo wada jeedaan.
"Dadkadhintay waa 5 ruux 4na waa dhaa wac, xaalada degaankana hada ciidanka ayaa gacanta ku haya, kuwii falka geys teyna waa lagu daba jiraa” sidaawaxaa yidhi Maayarka Ceelafweyn Cabdikariin Aw Yuusuf Axmed.
Xaalada degaanada labada beelood wada degaan ayaa laga cabsi qabaa in markale dagaal baahsan uu ka bilaabmo, iyadoo ay weli socdaan dadaalo dhawr jeer burburay in dabaqabasho lagu sameeyo
MAXAA KA JIRA IN XUJEY SOOMAALIYEED OO KU SUGAN MAKKA AYSAN WALI XAJIN
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warar sheegaya in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo iyaga oo ku sugan magaalada Makka aan wali gudan waajibaadkii xajka.
Dadka oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in oo jooga Makka u suurtagali weyday in ay xajiyaan, waxaana ay eedeyn u jeediyeen shirkaddihii soo qaaday oo sida ay hadalka u dhigeen markii ay keeneen dalka Sacuudiga meel isaga tuuray.
Waxaa ay intaa ku darreen in ay garanwaayeen qaab ay u xajiyaan, xitaa aysan helin deegaan wanaagsan oo ay degaan, madaama shirkaddihii ay soo qaaday halkaa uga dhuuteen.
Balse dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay isla VOA ayaa arinta ku tilmaamay borobogaato iyo warar la siyaasadeynayo, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu u baahan tahay in ay hesho cadeynta arintan u saabsan.
''Aniga u maleynmaayo in ay jiraan dad noocaas ah, Wasaaraddu dadaallo badan ayeey waday intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka, waa arrin runtii la siyaasadeynayo, mana ah in Xajka la siyaasadeeyo'' ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay isla Wasaaraddu sheegtay in ay jiraan kana war hayaan shirkaddo dayacay dadkii ay soo qaadeen, dowladda la xisaabtami doonto, waxaana muuqata in hadalkii hore ee Wasaaradda iyo cabashada ku aadan in ay jiraan dad aan wali xajin uu isa saameynayo.
MAXAA SABABAY IN JASIIRADDII KANEECADA AY NOQOTO WADAN AAD U HORMARSAN?
Sidee ayay jasiiraddii kaneecada badnayd ee ay Malaysia cayrisay oo ka saartay midowgoodii, ku noqotay dal kamida dunida koobaad? Yaase dhabbaha guusha qaadsiiyay? Maxaanse ka baran karnaa..?
Singapore waa dal yar oo hal magaalo ah (citystate) kaaso ah jasiirad yar oo dhacda koonfurbari qaaradda Eeshiya. Waa dal baaxad ahaan aad u yar oo ku fadhiya bed dhan 722km oo wareeg ah. Magaalada Darisalam ee Tanzania ayaa baaxad ahaa ka weyn.
Singapore waa jasiirad kaabiga ku haysa Malaysia. Dadka wadanka daga waa Chinese, Malay iyo Hindi. Markii ay Britain ka xoroobeen, ayay go’aansadeen inay la modoobaan Malaysia oo ay u arkayeen dal ay isku dad yihiin.
Sanaddii 1963dii ayay la midoobeen Malaysia iyaga oo noqday dal qura. Balse nasiib darro laba sano kadib, Malaysia baarlamankeeda ayaa u codeeyay in Singapore ka go’do Malaysia ayna ka baxdo. Iyaga oo sheegay inay tahay jasiirad yar oo kaneeco badan, dad sabool ah na ku nool yihiin, taaso aan faa’iido ugu jirin Malaysia.
Xilligaas Singapore waxa ay ahayd waqtigii ugu xumaa. Waxa cayriyay dad kuwii ugu dhawaa. Lee Kuan Yew ayaa ahaa Raysalwasaraha dalka. Waxa uuna u tafaxaytay sidii uu Singapore uga saari lahaa duruufta adag, ugana mid dhigi lahaa wadamada ugu hodansan dunida.
Lee muddo badan ayuu arrinkaas ku mashquulsanaa, dalkana kama uusan bixin. Waxa ay taariikhdu xustaa inuu socdaalkiisii ugu horreyay oo dibadda ah sameeyay sanaddii 1973dii. Muddo sideed sano ah, dalka kama bixin.
Lee kuan Yew, Sanaddii 1990kii ayuu xilka ka dagay. Isaga oo loo aqoonsaday aabihii wadanka. Waxa uuna sababay Singapore inay noqoto Shalay, xarun caaalami ah oo hoy u ah, waxbarashada, madadallada, dhaqalaha, daryeelka caafimaadka, raasamaalka, halabuurka, saadka, waxsoosaarka, tiknoolajiyadda, dalxiiska, ganacsiga iyo gaadiidka.
Wadanku waxa uu kujiraa heerarka caalamiga ah, waxaan loo aqoonsaday inay tahay Singapore, dal haysta tiknooljiyadda ugu sarraysa, taaso mar walba diyaar ah. Waa dal ay ku kulmaan hay’adaha iyo shirkadaha ugu waaweyn dunida, ayna ka dhacaan shirarka caalamiga ah. Waa dalka leh maalgalinta ugu wanaagsan dunida.
Singapore waa dal aad u qurux badan. Sidoo kale waa dalka ugu amnisan dunida. Waa dal leh dhaqaalaha ugu furfuran caalamka. Dal kaalinta saddexad kaga jira wadmaada ugu musuwmaasuqa yar caaalamka. Dal uu kuyaal suuqa sarrifka ee saddexaad ee caalamka ugu weyn.
Dalku wax kheyraada maleh oo xitaa malaha dhul beereed ay wax ku beertaan. Khudaarta laga isticmaalo oo idil waa amid dibadda kaga timaadda. Sidoo kale ciidda wax lagu dhisto xitaa dibadda ayay ka keensadaan. Sidaas oo ay tahayna waa dhul cagaar ah, ayna ku yaallaan daaraha ugu dhaadheer uguna qurxoon caalamka.
Sidoo kale waa xarunta saddexaad ee ganacsiga dunida. Xarunta saddexaad ee dunida ee shidaalka lagu nadiifsho. Dalka shanaad ee ugu halabuurka sarreeya caalamka. Sidoo kalana leh dakadda labaad ee ugu mashquulka badan adunida.
Sidoo kale Singapore waa magaalad ugu nolosha qaalisan dunida. Taaso muddo badan soo ahayd. Dakadda Singapore waxa lagu tilmaama inay tahay hormuudka dakadaha caalamka. Si lamida garoon diyaradeedka Changi ee Singapore waa kan ugu wanaagsan caalamka.
Diyaaradda Singapore Airlines waa diyaaradda ugu wanaagsan caalamka. Iyadoo sannadkii hore loo doortay inay tahay tan caalamka ugu wanaagsan. Heerka hormarka aadanaha Singapore waa dalka 9aad ee caalamka ugu horreeya.
Wadanku waa dal kamida kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka. Dhaqalaha dalku waxa uu kor u dhaafayaa $370Bilyan. Kasoo kamida 30ka dal ee ugu horreeya dunida. Sidoo kale dalku waa kan saddexaad ee ugu hodansan dunida. Dakhli sanadeedka soo gala dadka Singaburiga ah waa $98kun sannadkii.
Waa dal aad ugu hormaray hannaanka waxbarashada, jaamacadda Singapore waa tan ugu wanagsan guud ahaan Eeshiya. Sido kale daryeelka caafimaadka ayaa aad u wanagsan. Dadka reer Singapore waxa la tilmaama in cimrigoodu gaaro illaa 80sano celcelis ahaan.
Wadanka waxa kunool 5.7Milyan oo qof. 39% dadkaas waa ajaanib dalka dagan oo ku shaqaysta. Afar luuqadood oo rasmi ah ayaa looga hadlaa, kuwaaso kala ah, Engliahka, Malayga, Mamdarinka iyo Tamilka.
Wadankii la cayriyay ee kaneecada iyo faqrigu hoyga u ahaa, Shalay waa mid hormuud u ah, dhaqaalaha, Tiknoolajiyadda, aqoonta iyo halabuurka dunida. Waxa heerkaas gaarsiiyay nin loo arko inuu ahaa hogaamiyihii ugu wanaagsana qarnigii 20aad. Waa Lee Kuan Yew.
Singapore waa tusaalaha dalkasta oo xaaladdiisu kasoo bilaabatay meel liidata. Waa tusaale dunidu eegato. Haddii aan Somali nahay waa tusaale aad u wanagsan oo ay waaajib tahay inaynu cashar ka baranno, kuna dayano. Laakiin manihin kuwo u soo jeeda inay dalkooda dhistaan.
SHIR MADAXTOOYADA KISMAAYO KA SOC DAY OO LAGU KALA DAREERAY, MAXAA SABABAY…
Wararka aan ka helayo Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Habeen hore lagu kala kacay shir Madaxtooyada Kismaayo uga socda wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Indho korey, Axmed Cumar Maxamuud G/kuxigeenka Guddiga Doorashada oo dhinac ah, Iyo Madaxwayne Axmed Madoobe, Iyo Xamsa Cabdi Bare oo iyaguna dhinac kale noqday. Waxaana la balamay maalinta biriya.
asiirka amniga iyo G. Kuxigeenka Guddigu waa isku aragti, waxayna kasoo wada jeedaan hal beel ah. Halka MD Axmed Iyo Guddoomiye Xamsana ay isku beelyihiin, isku mowqifna yihiin. Waa xiisad cusub oo sababi karta in guddigu halkaas ku burburo gabi ahaanba.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warinaya in cadaadiska iyo culayska Beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya kaga imaanaya maamulka Axmed Madoobe in ay sababi karaan dib u dhac ku yimaada mudada doorashada, taasoo noqon karta bil ama labo bilood. Si loo saxo khaladaadka, Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamkuna u qaataan doorkooda shariifka ah.
M.A. Kooshin
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 13-KA AGOOSTO 2019-KA
KENYA IYO JABUUTI OO KURSI KU TARTAMAYA Kursi ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku lool amaya dalalka Kenya iyo Jabuuti ee bariga qa aradda Afrika. Kursigan oo horyaalla dalalka Afr ika, ayaa cidda kaliya ee hadda ku tartamay