Soomaali loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo la ogaaday inuu 18-jir yahay

0
Tuesday February 16, 2016 - 11:45:41 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo la ogaaday inuu 18-jir yahay

    Wiil Soomaali oo loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo lagu magacaabi jiray Alexandra Mezher oo 22 jir ah ayaa la shaaciyay inuu 18-jir yahay, kadib markii Maxkamadda qaadeysay dacwadiisa ay shaki gelisay da'da uu sheegtay oo aheyd 15-sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Soomaali oo loo heysto dilka Gabar u dhalatay Sweden oo lagu magacaabi jiray Alexandra Mezher oo 22 jir ah ayaa la shaaciyay inuu 18-jir yahay, kadib markii Maxkamadda qaadeysay dacwadiisa ay shaki gelisay da'da uu sheegtay oo aheyd 15-sano jir.

Maxkamadda Gothenburg oo dacwada ka socoto ayaa la sheegay in Yuusuf Khaliif Nuur aanu da’diisa aheyn 15-sano jir ah, iyadoo war ka soo baxay Waaxda Socdaalka Sweden lagu cadeeyay inuu wiilkan yahay 18-jir.

Booliska ayaa waday baaritaanka wiilkan, si ay u ogaadaan taariikhda dhalashadiisa oo sax ah, maadaama markii Maxkamadda la saaray la sheegay inuu leeyahay gar iyo shaaribo, isla markaana taasi sababtay in shaki laga muujiyo da’da uu sheegtay.

Wiilkan ayaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi daa’in ah, waxaana laga cabsi qabaa in dilka uu u geystay gabadha darteed ay saameyn ku yeelato dadka magangalyo doonka ah ee galaya dalka Sweden, kuwaasoo Soomaali badan ku jiraan.

Maxkamadaynta wiilkan ayaa ku soo beegantay xilli ay dowlada Sweden ku dhowaaqday in ay dalkeeda ka saareyso dad tahriibayaal ah oo tiradooda ku

dhow dahay boqol kun oo ruux

.yusuf




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip