Xujey ku sugan Makka oo sheegay inaysan weli xajin

0
Monday August 12, 2019 - 22:24:25 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xujey ku sugan Makka oo sheegay inaysan weli xajin

    Xujey ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan. Xujeydan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xujey ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan. Xujeydan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka. Waxa ay sidoo kale sheegeen inaysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan. Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow,waxaana uu sheegay in Wasaaradu ay wado dadaal badan,hayeeshee uu la yaaban yahay dadka sheegaya inaysan weli xajin. Wasiirka kuxigeenka oo la hadlay Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan soo gaarin wararka sheegaya in ay jiraan dad soomaaliyeed oo aan xajin,waxaana uu sheegay in taasi ay tahay mid la siyaasadeeynayo,isla markaana ay tahay borabagaando la abuurayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip