Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0
Monday August 12, 2019 - 17:47:11 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka aaso,isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka aaso,isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ee PMPF xili ay marayeen afaafka hore ee Hotel Boosaaso. Dhaawaca askarta ayaa waxaa la geeyay isbitaal ku taalla Magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaasi oo saarnaa gaariga uu haleelay qaraxa. Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa qarax lagula eegtay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax,isagoona ka badbaaday,hayeeshee waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaaladiisa,waxaana sheegtay Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip