Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Sanaag

0
Monday August 12, 2019 - 17:36:29 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Sanaag

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-Afweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaas Maanta uu ka dhacay weerar khasaaro geystay. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob kaalin Shidaal ah oo ku taalla Ceel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-Afweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaas Maanta uu ka dhacay weerar khasaaro geystay. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob kaalin Shidaal ah oo ku taalla Ceel-Afweyn ay rasaas xoogan ku fureen,taasi oo sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Arrintaan Maanta ka dhacday Ceel-Afweyne ee lagu dilay dadka shacabka ahaa ayaa waxaa loo mareynayaa inay tahay mid aanooyin Qabiil,iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan halkaas ay ku dagaalameen labo Maleeshiyo beeleed.Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarka,halka tirro kalena ay ku dhawaacmeen,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Gobolka. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan laga helayo Degmada Ceel-Afweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in degmadaas ay ka jiro xiisad dagaal,taasi oo sababtay falkii Maanta ka dhacay deegaanka.  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip