Manchester United oo guul weyn ku daahfurtay tartanka horyaalka Ingiriiska

0
Monday August 12, 2019 - 12:05:27 in Wararka by
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United oo guul weyn ku daahfurtay tartanka horyaalka Ingiriiska

    Kooxda Manchester United ayaa xalay guul weyn oo ay taageerayaasheeda aad ugu riyaaqeen ku daahfurtay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan cusub ee 2019-2020. Manchester United ayaa xalay la ciyaartay kooxda Chelsea ee ka dhisan galbeedka London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester United ayaa xalay guul weyn oo ay taageerayaasheeda aad ugu riyaaqeen ku daahfurtay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan cusub ee 2019-2020. Manchester United ayaa xalay la ciyaartay kooxda Chelsea ee ka dhisan galbeedka London waxa ayna ciyaartaasi ku soo dhamaatay afar gool iyo waxba oo looga badiyay kooxda Chelsea oo marti ku aheyd guriga Manchester. Manchester United ayaa qeybtii hore ee ciyaarta heshay rigoore waxaana gool u badalay ciyaariyahan Rashford sidaa ayeyna qeybtii hore ee ciyaarta ku soo dhamaatay hal gool iyo eber. Qeybtii labaad ee ciyaartaa Anthony Martial ayaa gool labaad u dhaliyay kooxdiisa Manchester United, Rashford ayaa markale gool dhalinta ku soo laabtay goolkii sadexaadna u dhaliyay kooxdiisa waxaase la yaab laheyd in ciyaariyahanka da'da yar ee Daniel James oo ciyaarta badal ku soo galay uu goolkii afaraad ka dhaliyay kooxdii Chelsea. Kooxda Manchester United ayaa xalay ka gaartay guul raaxo ka gaartay kooxda Chelsea wax ayna guud ahaan ciyaartii ku soo dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday kooxda ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska ee Manchester United.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip