Prof.Geeddi: Farmaajo marka uu xilka ka dego miyuu raadin doonaa maqaamka Xamar?
"Madaxweyne Farmaajo marka uu xukunka ka dego miyuu marka dhihi doonaa maqaamka caasimada Muqdisho hala sameeyo, intuu madaxweynaha yahay ayaa laga rabaa in maqaamkii Muqdisho la helo, in ummadaan madalaad yeelato, in 4-taan milyan ee bulshada xaquuq yeelato oo dad ay la xisaabtanto yeelato ayaa la rabaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada mucaaradka inaysan iska hor keenin shacabka iyo dowladdooda.
Wuxuu eeda maqaanka Muqdisho oo lasoo dhicin waayay ku eedeeyay xildhibaanada labada qaran oo mas’uuliyadooda uu sheegay inay gabeen, loogana baahnaa inay baarlamaanka mooshin ka geeyaan xaquuqda caasimada, isagoo tilmaamay in aysan jirin xildhibaan maalin ka hadlay iska daayeen aysan xitaa qalbiyadooda kusoo dhicin.
"Shalay anoo madaxweyne ah ayaa diidanaa, shalay anoo wasiir ah ayaa diidanaa in xaquuq yeelato caasimada Muqdisho, waxaasi caqli soconaayo ma ahan ee umadda ha isku noqoto, madaxda qaranka ee maanta jirta yeysan noqon kuwaan maanta sheegayo oo kale, ee markeey xilka ka tagaan dhihin hala sameeyo, halagu dhaqaaqo ayaan qabaa” ayuu yiri Cali Geedi, oo hadii ay sameyn weydo DF maqaanka caasimada ay xilkeeda ku weyn do onto.
Ugu Danbeyntii mar la weydiiyay Porf. Cali Maxamed Geeddi caasimada Muqdisho in ay dad gaar ah leeyihiin ayuu wuxuu ugu jawaabay. ” Soomaalida seddax waaye, qof deegaankaan asalkiiba loogu yimid oo u dhashay, qof yimid ee xuquuq ku yeeshay, iyo qof ku dhashay oo xuquuq yeeshay, waagii deegaan aheyd dowladnimada intaan la qaadan ayey aheyd markii dowlad la noqday deegaanka dadkii loogu yimid xaquuq gaar ah ayey yeelanayaan, adduunkeeyna ka jirtaa, caasimadaha adduunka dadka ay qabtaan xuquu siyaasadeed oo gaar ah ayaa la siiyaa, xuquuqda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda waa lala wadaagaa, macnaha waxay tahay iyagaa xukumaayo waase lala wadaagaa, lkn meeshaan caasimad waaye, caasimadna waxyna noqotay dad deegaanoo loo yimid iyo dad deegaan oo dhaqaale ku leh oo canshuur laga qaado” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo macho daro ku tilmaamay in la yiraahdo caasimada ku dhashay.
XIGASHO:-Caasimada Online
Prof.Geeddi: Farmaajo marka uu xilka ka dego miyuu raadin doonaa maqaamka Xamar?
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo R/W kasoo noqday dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ayaa si kulul ugu hadlay dhismaha maqaamka Muqdisho iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maalmahaan waday ololaha maqaanka caasimada. Geedi ayaa su'aallo ka keenay s