Duufaan ku dhufatay xeebaha dalka Shiinaha.

0
Saturday August 10, 2019 - 20:43:21 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaan ku dhufatay xeebaha dalka Shiinaha.

    Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobneeyo kalana waa la la'yahay, kaddib marki ay duufaanta Lekima maanta billowday in ay garaacdo bariga Shiinaha. TV-ga Dowlada Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay, in dhamaan dadka dhintay ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobneeyo kalana waa la la'yahay, kaddib marki ay duufaanta Lekima maanta billowday in ay garaacdo bariga Shiinaha. TV-ga Dowlada Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay, in dhamaan dadka dhintay ay ku noolaayeen gobolka Wenzhou oo ah halka ay duufaanta ka billaabatay. Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay, in aagga ay duufaanta ku dagatay laga daad-gureeyay ilaa iyo hal milyan oo qof. Boqllaal duulimaad ayaa la joojiyay, tareennad iyo goobaha dalxiiskana waa la xiray sababo la xiriira hawada aadka u xun ee bariga Shiinaga. Lekima ayaa ku socoto xawaare dhan 187 km saacaddiiba, waxaana la filayaa in ay u sii jiheysato dhinaca gobolka Shanghai, marka ay dhaafto gobolka Wenzhou.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip