Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Qareenadda isaga difaacayay.

0
Saturday August 10, 2019 - 20:31:05 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Qareenadda isaga difaacayay.

    Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia inaysan Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda. Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia inaysan Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda. Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahdigii 4-aad ee Kiiska loo haysto, taasi la dhegeysanayey bishii la soo dhafaay ee July 24-dii.

Waxa uu si cad u muujiyey inaysan Qareenadiisa sii wadi Karin Difaaciisa, sababo la xiriira Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha oo caqabad ku noqday iyo inuu lumiyey kalsoonidii uu ku qabay Maxkamadda.

Waxa uu tilmaamay inuu Maxkamaddu u yimaado si uu u dhegeysto Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha, balse aysan jirin wax ay Kulamadda Maxkmaddu ku kala duwan yihiin.

Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia waxa uu tilmaamay in warar been ah oo isaga la faafiyey dhaawacday Xorriyadiisa, isla markaana ay Ciiddamo badan isaga ka hayaan ilaalo xooggan.

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ka soo muuqday Maxkamadda iyadoo ay Ciiddamo hubeysan oo ka kala socday Milliteriga Federalka iyo Boliska si xoogan u joogeen gudaha iyo dibedda Dhismaha Maxkamadda.

Muddadii ay socotay Dhegeysiga Dacwadaasi waxay Garsoorayaasha u sheegeen Dcawad-oogayaasha inay saxaan dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Eedeysnaha 1-aad iyo Xamzam Xasan oo iyadana ah Eedeysanaha 43-aad ee Dacwadaha loo haysto.

Dacwad-oogaayaasha waxay dalbadeen faahfaahin dheeraad ee dacwadaha ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku jirto Isku-day uu ku doonayey inuu meesha ka saaro Amarka Nidaamka Dastuuriga.

Kiiska Zamzam Xasan waxay Maxkamaddu u sheegetay Dacwad-oogayaasha inay Jinsigeeda ka soo dhigaan dheddig, halka dacwadda kaga soo qoreen Lab ahaan.

Garsoorayaasha waxay ku amreen Dacwad-oogayaasha inay Maxkamadda ku soo wareejiyaan Nuquladda Caddaymaha Labada Eedeysane.

Qareenadda difacaaysay waxay Garsoorayaasha u sheegeen inay khatar soo wajahday Cabdi Maxamuud Cumar, kadib, markii uu Wargeyska The Reporter bishan August 7-dii qoray war been abuur oo ku aadanaa inuu Cabdi Maxmuud Cumar doonayey inuu ka baxsado Xabsiga.

Maamulayaasha Xabsiyadda wey beeniyeen waxa uu qoray Wargeyskaasi, balse, Madaxda Wargeyska weli Warkaasi kama aysan saarin Barahodoa bulshadda.

Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia waxay Kooxda Qareenadda ka codsadeen inay Maxkamadda u soo gudbiyaan qoraalka dacwadooda ka dhanka ah Wargeyska The Reporter.

Maxkamaddu waxay sheegtay in bishan Augsut 19-da dib loo dhegeysan doono dacwadda loo haysto Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxmuud Cumar.



Dhanka kale Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo hal sanno ku xiran Xabsiga waxa uu sheegay inuusan isaga naftiisa sii dfaaci doonin iyo inaysan Qareenadiisa sii wadi doono Difaaciisa, wuxuuna sheegay inuu Maxkamadda u imaan doono oo keliya inuu dhegeysto waxa ay Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha sheegaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip