Dad aad u badan oo ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Tanzania. Sawirro:-
Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 60 qof ayaa geeriyootay halka 70 kalena ay dhaawacyo culus gaareen kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo ee dalka Tanzania.
Taliye u hadlay Booliska gobolka Morogoro ee dalka Tanzania, ayaa warbaahinta u sheegay inay goobta ka qaadeen meydadka 57 ruux, waxeyna sawirro laga soo qaaday oo lasoo galiyay baraha bulshada ay muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dadkii gubtay oo dhulka yaalla.
Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiima u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda ku taalla magaalada ganacsiga ee waddankaas ee Dar es Salaam.
Bishii lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale booyad ku qaraxday gobolka Benue ee waqooyiga dalka Nigeria, waxaa ku dhintay ugu yaraan 45 ruux.
Dad aad u badan oo ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Tanzania. Sawirro:-
Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 60 qof ayaa geeriyootay halka 70 kalena ay dhaawacyo culus gaareen kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo ee dalka Tanzania. Taliye u hadlay Booliska gobolka