Maraykanka Oo Ku Hanjabay Inay Ciiddankooda Kala Soo Bixi Doonaan Jarmalka

0
Saturday August 10, 2019 - 20:20:32 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ku Hanjabay Inay Ciiddankooda Kala Soo Bixi Doonaan Jarmalka

    Safiirka Maraykanka u jooga Jarmalka,Rijard Gerenelwaxa uu si kulul u naqdiyey heerka Kharajka ay Jarmalka ku bixiyaan Difaacooda, kuna tilmaamay wax la karaahsado. Danjiraha waxa uu ku celiyey Hanjabaadda ku adaan inay Ciiddankooda kala bxii doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Maraykanka u jooga Jarmalka,Rijard Gerenelwaxa uu si kulul u naqdiyey heerka Kharajka ay Jarmalka ku bixiyaan Difaacooda, kuna tilmaamay wax la karaahsado. Danjiraha waxa uu ku celiyey Hanjabaadda ku adaan inay Ciiddankooda kala bxii doonaan Jamalka, sida ay ku soo waranatay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA. Danjiraha waxa kale oo uu tilmaamay inaysan wax lagu farxo ahayn in Canshuur-bixiyayaasha Maraykanka sii wadaan Kharajka ciiddanka Maraykanka ee tirdaoodu dhan tahay in ka badan 50,000 oo Askari oo saldhigga ku leh Jarmalka, halka ay Dowladda Jarmalka kharaj dheeraad ku bixiyeen Barnaamijyadda Gudaha dalkooda.

 

Hadalka Safiirka Maraykanka eeRijard Gerenelwaxaa kaloo lagu soo daabacay Safaraadda Maraykanka ku leeyahay Jarmalka.

Agaasimaha koowaad ee Xisbiga SPD ee Jarmalka,Karasten Sheneydarwaxa uu ku gacan sayray Hanjabaadda Danjiraha Maraykanka, halka haweeneyda Wasiirka cusub ee Difaaca ee Jarmalka,Annegret Karamb Karenbauerdhawaan ballan qaaday in sare loo qaadi doono Miisaaniyadda Difaaca, lana gaarsiin doono 1.5% Kharajka difaaca ee sannadka 2024-ka.

Tirada Ciiddanka Maraykanka ee haatan ku sugan Saldhigyadda ay ku leeyihiin Jarmalka waxay gaarayaan 35,000 Askari oo ay u dheer tahay 17,000 oo Askar Maraykan iyo 12,000 oo Rayid u dhashay Jarmalka oo u shaqeeya Milliteriga Maraykanka.

Sidoo kale, Taliska Ciiddamadda Maraykanka ee ka joogo Qaaradaha Europe iyo Afrika waxay Xarumo ku leeyihiin magaalladdaIstutgaratiyo Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Europe oo ku yaalla K/Galbeed Jarmalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip