Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Awaamiir Culus

0
Saturday August 10, 2019 - 19:28:12 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Awaamiir Culus

    Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa maanta kormeer waxa ay ku tagtay Xarunta xoola qalka ee Kawaan bari iyada oo soo indha indhaysay xaaladda kawaanka iyo sida uu ciidda ugu diyaar garoobay. Basma Caam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa maanta kormeer waxa ay ku tagtay Xarunta xoola qalka ee Kawaan bari iyada oo soo indha indhaysay xaaladda kawaanka iyo sida uu ciidda ugu diyaar garoobay. Basma Caamir Jakeeti ayaa kula dar-daarantay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada inta lagu guda jiro maalmaha ciidul-Adxa. Dhinaca kalana waxa ay fartay dadka gowracanaya Udxiyada in ay geeyaan goobaha loogu talagalay in lagu gowraco oo ah 6-Kawaan oo loo cayimay si loo ilaaliyo nadaafadda. Guddomiyaha ayaa dhinaca kale waxa ay sheegtay in cidii lagu arko iyada oo xoolo ku qalayso xaafadaha hortooda iyo Laamiyada in laga qaadayo tallabo sharci ah isla markaana uu ku dhacayo ganaax lacageed siadaas darteed waxa ay uga digtay dadka in ay xoolaha geeyaan Kwaanada.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip