Wasiir ka tirsan xukumadda Zimbabwe oo Xabsi loo taxaabay

0
Friday August 09, 2019 - 22:47:51 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan xukumadda Zimbabwe oo Xabsi loo taxaabay

    Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa xilka ka qaaday wasiirka dalxiiska Prisca Mupfumira, kaddib markii ay guddiga la dagallanka musuqmaasuqa ku soo eedeeyeen lacago la lunsaday xilligii ay iyadu ahayd wasiirka shaqada iyo dammaanad qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa xilka ka qaaday wasiirka dalxiiska Prisca Mupfumira, kaddib markii ay guddiga la dagallanka musuqmaasuqa ku soo eedeeyeen lacago la lunsaday xilligii ay iyadu ahayd wasiirka shaqada iyo dammaanad qaadka bulshada. Lacagta malaayiinka doolar ee wasiiradda lagu eedeeyey iney lunsatay waxaa laga waayey qasnadda dadka howlgabka ay leeyihiin, waxaana lagu soo oogay dacwad ah iney ku takrifashay lacag dhan $94 milyan oo doolar. Balse Ms Mupfumira ayaa diidday eedda loo soo jeediyey. Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay Ms Mupfumira in xilka wasaradda shaqada laga qaaday bishii November 2017-kii. Wasiiraddan ayaa noqoneysa wasiirki ugu horreyey oo xil ka qabta xukumadda Manangagwa oo xabsi loo taxaabo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip