Dhoolatus Milliteri oo loogu magac daray "Onkodka Waqooyi" oo ka bilaaban doona Sacuudiga.

0
Tuesday February 16, 2016 - 10:41:41 in Wararka by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoolatus Milliteri oo loogu magac daray "Onkodka Waqooyi" oo ka bilaaban doona Sacuudiga.

    3,500 Askari oo ka kala socda ku-dhawaad 20-Waddan oo isugu jira dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ku sii qulqulayo W/bari ee Sacuudiga, si ay uga qeyb galaan Dhoolatuskaasi oo bishan Feberaayo 26-da ka bilaaban doonto Saldhigga Milliteri ee Boq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

3,500 Askari oo ka kala socda ku-dhawaad 20-Waddan oo isugu jira dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ku sii qulqulayo W/bari ee Sacuudiga, si ay uga qeyb galaan Dhoolatuskaasi oo bishan Feberaayo 26-da ka bilaaban doonto Saldhigga Milliteri ee Boqor Khaalid. Dowladaha ka qeyb galayo Hawlgalka "Onkodka Waqooyi” waxay ka kala socdaan dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Sudan, Baxrayn, Imaaraadka, Kuwayt, Urdun, Masar, Jabuuti, Cumaan, Pakistan, Malaysia, Moroko, Chad, Tunisia, Murutaniya iyo Senigal.

Dhoolatuskan ayaa ah kii ugu horreeyey Taariikhda ee ay Ciiddamo ka kala socda Dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka si wadajir ah uga sameeyaan dalka Sacuudiga.

Bishii December ee sannadkii hore, Dalka Sacuudiga waxaa looga dhawaaqay Isbahaysi ay ku mideysan yihiin 35 Dowladood, kuwaasi oo u midoobay Hawlgalka La-dagaalanka Argagixisadda.

North_Thunder_Final_Log_2016KSA000




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip