Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha oo Baarlamaanka hortagaayo

0
Tuesday February 16, 2016 - 10:34:37 in Wararka by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha oo Baarlamaanka hortagaayo

    Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Somaliya, ayaa lagu wadaa in maanta ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, kadib markii halkaasi looga yeeray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Somaliya, ayaa lagu wadaa in maanta ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, kadib markii halkaasi looga yeeray. Kulanka xubnaha Baarlamaanka maanta ay ku yeelanayaan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa inay tagaan labadaasi Wasiir si su’aalo loo weydiiyo.

Wasiiradan ayaa waxaa u yeeray Xildhibaanada oo qaar oo qaba su’aalo ku aadan ku xadgudub ay sheegeen in lagu xadgudbay Xasaanadii uu lahaa Xildhibaanka, maadaama la amray in la baarayo Xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa sheegay in Qorshaha uu yahay in labadan Wasiir ay maanta hor yimaadaan Baarlamanka Somaliya oo su’aalo la weydiin doono.

"Ajandaaha kulanka baarlamaanka ayaa ah su’aalo lagu weydiinayo Wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha ee Xukuumadda, kuwaasi oo Baarlamaanka hor imaan doona.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa awood u leh inay la xisaabtan iyo su’aalo weydiin ku sameeyaan Wasiirada Xukuumadda ee madaxda ka ah Wasaaradaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip