Mareykanka oo beeniyay in Diyaarad Drone ah uga dhacday Koofurta Soomaaliya

0
Tuesday February 16, 2016 - 10:17:42 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo beeniyay in Diyaarad Drone ah uga dhacday Koofurta Soomaaliya

    Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ku dhacday Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe sheegatay inay gacanta ku heyso diyaaradaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ku dhacday Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe sheegatay inay gacanta ku heyso diyaaradaas. Saraakiil ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aanay jirin diyaarad ku dhacday Soomaaliya oo gacanta u gashay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhamaan diyaaradaha Saldhiga Mareykanka AFRICOM la tiriyay, ayna jirin wax tilmaamaya diyaaradda Al-Shabaab sheegeyso inay tahay mid uu Mareykanka leeyahay.

Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab taageera ayaa lagu sheegay in diyaarad Drones ah oo xambaarsaneyd lix gantaal ay ku dhacday deegaan buuraley ah oo 70-KM u jirta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka leeyahay ayaa horay weeraro ka dhan ah Saraakiisha Al-Shabaab ka fuliyay Koofurta Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip