WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 16-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Tuesday February 16, 2016 - 09:29:18 in Wararka by
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 16-KA FEBARAAYO 2016-KA

    RA'IISUL WASAARE CUMAR OO KHUDBAD KA JEEDIYEY DAAHFURKA WAJIGA KOOWAAD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE CUMAR OO KHUDBAD KA JEEDIYEY DAAHFURKA WAJIGA KOOWAAD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, ayaa shalay khudbad ka hor jeed iyey golaha Baarlamaanka , isaga oo faahfaahin ka bixiyey 10ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyey.

Waxana uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay xaqiijinta wada tashi ballaaran oo lagu dhameeyo dhamaan arrimaha u baahan dibueegis siyaasadeed ee ku jira dastuurka qaby ada ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed la dhagaysan doono ra’yigooda gudaha iyo dibadaba.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Tobankan cutub ee ay soo bandhigeen Guddiga ay tahay dib u eegis farsamo oo kaliya ee aysan ku jirin qaybaha Siyaasadda ee u baahan wadatashi iyo heshiis siyaasadeed in laga gaaro.

"Tobankan cutub ee ay soo bandhigeen Guddiga la socodka Baarlamaanka shalay, waa dib u eegis farsamo oo kaliya kumana jiraan qeybta siyaasadda una baahan wada xaajood dhab ah oo ay ka qeyb qaataan dhamaan shacabka Soomaliyeed qeybihiisa kala duwan oo ay ladhabar u yihiin Hay’adaha Dastuuriga ah iyo dawlad goboleedyada, waxaa loo diyaarin doonaa, option pa prers " ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay Dastuurku ayaa yiri "Xuk uumadaydu waxay xaqiijinaysaa ka qeyb qaadashada iyo talaabooyinka ay bidhaaminayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha heer Federal iyo heel Gobol si loo xaqii jiyo Dastuur lagu wada qanacsan yahay, la wada leeyahay isla markaana ka tarjumayo himilooyin ka, rabitaanka iyo yadadiilada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra'iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay wa ajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. " Xukuumadda Feder aalka ah ee Soomaaliya, iyada oo garwaqsanaysa ahmiyadda iyo miisaanka arrimaha dibueegista Dastuurka uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, xasiloonida sayaasadeed ee wadanka iyo horumar dhaqaale oo waara, waxaan u magacaabay arrimaha dib u eegista wasaarad u gaar ah lehna hoggaan dhamaystiran" ayuu yiri RW Cumar.

Sagaalka qodob ee dib u eegista lagu sameeyay ayaa kala ah qodobada 1aad, 2aad, 4aad, 5-aad, 10-aad, 12-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad kuwaasi oo u badan dhanka farsamada ah. Wa xaana dhawaan la guda geli doonaa qodobada dhiman iyadoo la tashi lala sameyn doono guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

KHUDBADDII R.WASAARE K/XIGEENKA EE KULANKA HORUMARKA IYO DIB U DHISKA KAABAYAASHA DHAQAALE EE DALKA (SDRF)

Ra'iisal Wasaare kuXigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte oo shalay shir gudoo minayay shirkii Horumarinta iyo dibdhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horumarineed ee ka socda guud ahaan dalka Somaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Benadir waxa kale oo goob joog ahaa Xubnaha Golaha Wasiiradda ee ku jira SDRFka, Baarlamaanka, Hay’adaha UN, EU, iyo World Bank.

Hadal uu furitaankii shirkaasi ka jeediyay Mudane Carte waxa uu ugu horayn ka hadlay fa lalkii ugu danbeeyey ee kooxaha Argagixisadu ka geysteen magaalada Muqdisho, isagoona dhale eceeyay weerarkii bishii hore Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Liido.

Sidoo kale, RW ku Xigeenka XFS waxa uu ka warbixiyay qaabkii ay u wajaheen baaritaankii Qaraxii diyaaradii Daallo Airline, waxaanu cadeeyay inuu qaraxaasi ahaa talaabo argagixiso oo loo soo diyaariyay hab farsmo oo casriyaysan, waxaanu Ra’isal W/Ku xigeenku xusay in baa dhista ay kala qaybqaateen saaraakiil dambi baadhis oo kala socda Dalka Maraykanka iyo Hay ’ada Bancroft, baadhitaankaasina wuxuu si isku mid ah u cadeeyay in uu ahaa fal argagixiso.

"weerarkaa ka dib waxaanu kor u qaadnay amniga Airport ka Magaalada Muqdisho si uu adeeggii bulshada ee soo degida iyo dhoofidda Madaarku uu si habsami leh u socdo,ayuu yiri Carte, oo intaas raaciyey "sidaad la wada socotaan todobaad ka dibna waxaa furmaya shirkii gu ud ee HLPF shalayna waxaynu ka rajaynaynaa Hay’adda isku xidhka deeqaha (ACU) inay inooga waramaan halka uu marayo diyaargarawgii shirkaasi, waxaanan filayaa in wada hadalka shirkaasi ay ka soo baxaan wax cad oo Somaaliya iyo dadka la shaqeeyaba qiimo u yeesha”.

Waxa kale oo Mudane Carte ka warbixiyey sida ay uga shaqayn lahaayeen dhisidda maa mul goboleedyada dhiman sida Shabellaha Dhexe iyo hiiraan oo hada gacanta lagu hayo, taasi oo saldhiggeedu yahay dhamaystirka maamul goboleedyada, siyaasada dawladda federaalku waxay keentay in ay ku kulmaan Muqdisho Madaxda DFS iyo hogaamiyeyaashe Goboladu kaasi oo ka dhacay Muqdisho January 1016, si go’aan looga gaadho qaabka doorasho ee dalku qaadan lahaa sanadka 2016.

Waxaanu soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay kulankaasi si gaarana wuxuu uga hadlay muhiimada kootada haweenka ee boqolkiiba soddonka (30%) ahi ay u leedahay dhismaha qaranka iyo sawirka guud dimuqraadiyada dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisal W/ku Xigeenka XFS Mudane Carte wuxuu iftiimiyay dibueegista Dast uurka Qaranka isagoo tixraacaya qaraarkii Baarlamaanka ee 27 july 2015, taasi oo Dawladda Federaalku ay horumar ka gaadhay dhinaca dibueegista iyo horumarinta Dastuurka Federaalka Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu cadeeyey u kuur galida dhinaca Cadaaladda iyo hawl aha wax ku oolka ah ee laga qabtay si loo adkeeyo awood siinta qaab dhismeedka Cadaaladda iyo xoojinta sharciga.

Mudane Carte wuxuu madasha si cad uga sheegay inuu diyaar yahay qabyoqoraalkii ugu danbeeyay ee Siyaasadda Amniga Qaranka (NSP) waxana uu sheegay in qoridda NSPgu ay qii mo ugu fadhiyo hagidda go’aaminta qaran ee dalka iyo ficilada nidaamka dawliga ah, waxa kale oo dawladu dhawaan horumar wax ku ool ah ka gaadhay Amaanka iyo Ilaalinta Xeebaha Badda Soomaaliyeed, taas oo guddi wasiiro ah loo aasaasay si loo dhaqan galiyo hawlgalka amaanka Xeebaha Badda Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay Ra’iisal W/kuXigeenku dhinaca maaliyada waxa uu yiri "miisaaniyad sanadeedka 2016ka waxay ahayd mid maangal ah, iyadoo kor loo qaaday heerkii waaxda cashu urta ee kastamiska lana dhaqan galiyay cashuurta hay’adaha muhiimka ah sida Isgaadhsiinta, Hotellada, iyo horumarinta ururinta cashuuraha wadooyinka”

Gabagabadii Ra’iisal W/ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday in uu dalku ku waajahan yahay horumar iyo degenaansho muuqda, isagoo tusaale u soo qaatay in la dhamystirayo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), dhaqan galinta siyaasada Amniga Qaranka (NSP) ka qaybqaadashada Kor u qaadida Arrimaha Baniaadamnimada (Universal periodic ReviewUPR)

GUDDIGA ARRIMAHA GUDAHA BAARLAMAANKA OO SHEEGAY IN LOO SOO GACAN GELIYAY SHARCIGA AXSAABTA

Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo soo gacan geliy ay Sharciga Asxaabta siyaasada, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Wasiiradda.

Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sharcigan uu noqon doono mid ka mid ah Sharciyada ugu muhiimsan ee dalka.

Mr Jeesow ayaa intaa ku daray in maalmaha soo socda loo soo gudbin doono Baarlamaan ka, si looga doodo, isla markaana kama dambeys ay ansxiyaan.

"Waxaa idin sheegayaa in aan gacanta ku heyno Sharciga Xisbiyada Siyaasada, waxaa sharcigan uu noqon donaa mid ka mid ah tiirarka ugu waa weyn ee Qaran, wuxuu tiir dhexaad u noqon doonaa dimoqraadiyada”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Illaa 22 ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee ka jira Muqdisho ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka,r4 iyagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay hortaagan tahay sharciga Axaabta siyaasada.

Soomaaliya oo xilligan aanu ka jirin xisbiyo sharciyeysan ayaa waxaa lagu wadaa in marka la meel mariyo sharciga Xisbiyada badan in Xisbiyada ay soo buuxiyaan shuruudaha, isla markaa na ay noqdeen Xisbiyo siyaasadeed oo mucaarad iyo muxaafid ah.

RA'IISUL WASAARAHA OO KA HADLAY DILKII WASIIRKII HORE EE GAASHAANDHIGGA

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareyey dilkii shalay magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG ahayd.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soo maaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, ” Inaa Lila ahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxu um Muxyadiin Maxamed Xaaji, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

"Waxa uu ahaa nin howl¬kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dow ladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jec el,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni do ono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ugu baaqay ciid amadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

BAARITAAN KA DUWAN KUWII HORE OO LAGU SAMEEYAY QARAX SHALAY KA DHACAY MUQDISHO.

Ciidamo si gaar ah loogu tababaray baaritaanada qaraxyada ayaa shalay howlgal ka duwan kuwii hore ku sameeyay gaari ku qarxay afaafka hore ee isbitaalka Xanaano oo u dhow isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa u dhacay markii ay ciidamada Booliska qeybtooda qaraxyada iyo miinooy inka waxay ku xireen calaamadda aan laga gudbi karin ee loo isticmaalo goobaha ay ka socdaan howlgalada si aanay dadweynaha gaadiidkaba halkaasi u marin.

Qaraxaan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladdii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Maxamed Xaaji Ibra ahim isla markaana ku geeriyooday gaariga dhexdiisa.

Gaariga uu watay mas’uulkaan ayaa markii uu qarxayay waxaa agagaarihiisa marayay dad rayid ah, waxaana halkaasi dhaawac ka soo gaaray ilaa saddex ruux oo dad rayid ah, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho.

C/qaadir Barnaamij Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo uu ka tirsanaa marxuumka geeriy ooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida marxuumka, isagoona cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.

Dhinaca kale ciidamada baarayay gaariga qarxay ayaa halkaasi ka qaatay sawirro dhowr ah, iyagoona calaamadiyay qaabka uu qaraxa u dhacay, waxyeelada uu geystay iyo macluum aadyo kale oo la xariira wixii ka dhacay iridda hore ee Isbitaalka Xanaano.

WASIIRKII HORE EE GAASHAANDHIGGA EE XUKUUMADDII NUUR CADDE OO LAGU DILAY QARAX..

Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa goor dhow ku geeriy ooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Mu qdisho.

Allaha u naxariistee Muxiyaddiin Maxamed Xaaji ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Gaasha andhigga Xukuumaddii R/W hore ee Nuur Cadde.

C/qaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah xisbiyada siyaasade ed ee dalka ka jira ayaa sheegay in Muxiyaddiin MaxamedXaaji uu haatan ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari yar oo kuwa raaxada oo uu watay qarax loogu xiray, ka dibna uu qaraxaas ku dhintay.

Ruux kale oo Gaariga la saarnaa ayaa la sheegay inuu isna ku dhaawacmay, waxaana goor dambe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaasoo baaritaan ka sameeyay.

Muxdiyaddiin Xasan Xaaji ayaa xilligan ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Muqdisho

Muxdiyaddiin Maxamed Xaaji ayaa xilligan ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Muqdisho

CIIDAMO GAAR AH OO LA GEEYAY GAROONKA AADANCADDE…

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa kormeer howleed ku tegay garo onka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la geeyay ciidamada si aad ah u tab abbaran.

Taliyaha markii uu garoonka gaaray waxa uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha amma anka, kuwaasi oo taliyaha warbixinno ka siiyay xaaladda amni ee garoonka Aadan Cadde iyo isba dalka ammaan ee lagu soo kordhiyay garoonka, kuwaasi oo ay ka midyihiin Ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababbaran ee RRT iyo kuwa kale oo loo tababbaray in ay la shaqeeyaan Eeyaha waxyaabha qarxa u riya, si loo adkeeyo Nabadgelyada dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka.

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlayay ciidamada booliska ee la gu kordhiyay amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa ku amray inay koontaroolaan waxkasta oo soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya, iyadoo si hagaagsan loola shaqeynayo shacabka garoonka ka soo degaya iyo kuwa dhoofaya intaba, maadaama boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee bulshada.

dhagar qabayaasha AlShabaab ay ku fashilmeen inay qarxiyaan diyaaradda shirkadda Daalo, taasi oo keentay in uu ku geeriyoodo qofkii ka dambeeyay inuu qarax la eegto diyaaradda, waxaana bulshada Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen hanaanka cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde.

2dii bishan ayay ahayd markii Diyaarado Daalo uu ka dhex dhacay Qarax la sheegay in uu ismiidaamin ahaa waxaana bulshada Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen hanaanka cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde.

MIDOWGA AFRIKA OO DIB U EEGIS KU SAMEYNAYA U TOOG HAYNTA WEERARADA SHABAAB AY KU QAADAAN CIIDANKA AMISOM

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan toog heynta iyo u diyaarsanaanta Ciidankooda marka ay la kulmaan Weerarrada Shabaab.

Francis Okello, oo hoggaaminayay Wafdiga ayaa sheegay in Ciidanka Amisomee jooga Soo maaliya ay la kulmeen weerarro halis ah oo ka soo gaaray Alshabaab,kuwaas oo ay ku dhinteen Askar ka kala tirsan Waddamada Kenya,Uganda iyo Burundi.

Weerarrada sababay dib u eegistan ayaa waxaa lagu sheegay Labo Weerar oo dhacay Bil ihii Juun iyo Sptember ee Sanadkii hore kuwaas oo ka kala dhacay Leego iyo Jannaale oo ka wa da tirsan Gobolka Shabeellaha hoose iyo Weerarkii Ceel Cadde ee dhacay bartamihii Bishii Jan uary ee Sanadkan.

"Booqashada aan ku nimid halkan waxaa ay ujeedadeedu tahay in aan qiimeyno heeganka iyo took heynta Ciidankeenna ay uga jiraan weerarrada ALshababaab,iyo dhismaha hanaanka Siyaasadeed ee Dowladda ay taageerto Amisom ee Soomaaliya”ayuu yiri Okello.

Ujeedada labaad ee booqashadan ayuu ku sheegay in ay daba socoto Qaraar Bishii August ee Sanadkii hore ka soo baxay Midowga Afrika iyo Howlgalka Amisom ee Somaliya kaa oo ahaa Howlgalada cusub ee lagu taageerayay Dowladda Somaaliya Shabaabna looga saarayay Wad anka iyo wixii u qabsoomay.

Waxaa uu sheegay in Wafdigan ay ogaanayaan sida uu u fulay Qorshihii loo dejiyay weera rkaasi,waxa ka qaldamay ama saxmay intii uu socday.kaas oo ay ujeedadiisu ahayd in Alshabaab laga saaro Magaalooyinka si ay Dowladda u gaarsiiso dadka Magaalooyinkaasi deggan Nidaam ka Dowladnimada.

Hadafka Sadexaad ee Safarka Wafdiga ka socda Midowga AFrika ayaa lagu sheegay in uu yahay sida loo taageeri karo Hay’adaha Amaanka iyo kuwa Dowliga ah,waxaana uu intaa ku dar ay in ay shaqadaasi ka qabanayaan maalmaha ay joogaan kadibna ay wixii ka so baxa ay dib ugu celin doonaan Mas’uuliyiinta Midowga AFrika ee Fadhigoodu yahay Adis Ababa.

ALSHABAAB OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU HEYSO DIYAARAD DRONE AH OO SOO DHACDAY

Xarakada AlShabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku heyso diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone, taasoo ku soo dhacday dhul buuraley ah oo ku dhow degmada Ba ardheere ee Gobolka Gedo.

Qoraalo lagu baahiyay baraha Internetka ee taageera AlShabaab ayaa lagu sheegay in diya aradan Drone uu leeyahay Mareykanka, ayna xambaarsaneyd illaa lix gantaal.

Saraakiil ka tirsna AlShabaab ayaa sheegay in diyaarada ku soo dhacday deegaan lagu magacaabo Shan Dacaar oo 70KM u jirta degmada Baardheere.

Ma Cada cida laheyd diyaarada, hase ahaatee AlShabaab ayaa sanadkii hore bartamihiisa ku soo bandhigay degmada Diinsoor diyaarad aan duuliye laheyn oo ah kuwa wax basaasa.

Diyaaradaha Drones ee uu Mareykanka leeyahay ayaa horay weeraro ka fuliyay Soom aaliya, kaasoo lau dilay Saraakiil ka tirsan AlShabaab

XISBIGA MUCAARADKA KENYA OO KU BAAQAY IN CIIDAMADA KENYA LAGA SOO SAARO SOMALIA.

Xisbiga mucaaradka ee dalka Kenya ee la yiraahdo CORD ayaa sheegay ay ku baaqayaan in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia in laga soo saaro Somalia.

Kolonzo Musyoka oo ah siyaasi rug cadaa ah oo ka tirsan xisbiga CORD ayaa sheegay in haddii xisbigooda ay ku guuleystaan doorashooyinka Madaxweynimo ee dalka Kenya ay si deg deg ah ciidamadooda ugu soo saari doonaan Somalia.

Mr Musyoka oo ka hadlayey magaalooyinka Malinidi iyo Kifili ayaa sheegay in ay adag ta hay in guul laga gaarayo dad diyaar u ah in ay dhintaan isagoo intaasi ku daray in ay muhiim tah ay sharafta ciidamada milateriga ee Kenya.

Kolonzo Musyoka ayaa sheegay in weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen fariisinkii ciidam ada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobalka Gedo lagu dilay askar badan oo Ke nya ah isagoo xusay in Al Shabaab sheegteen in ay weerarkaasi ku dileen 100 askari oo ka tirsan malateriga Kenya.

Xisbiga CORD oo ah mucaaradka ugu weyn ee dalka Kenya ayaa madaxweyne Uhuru Ken yatta ugu baaqay in uu sameeyo qorshe ciidamada qaranka ee Kenya uu kaga soo saarayo Soma liya

BOOLISKA UGANDA OO XIRAY KIZZA BESIGYE OO KA MID AH RAGGA UGU CAD CAD MUCAARADKA UGANDA

Ciidamada Booliska dalka Uganda, ayaa shalay xiray ninka ugu cad cad Mucaaradka dalka Uganda, xilli uu maraayay wado ka mid ah kuwa dhexmara dalka Uganda.

Kizza Besigye, ayaa la xiray isaga oo wata gaarigiisam hareerahana ay ka socdaan Dad ba dan oo ka mid ah taageerayaashiisa.

Ciidamada Booliska ayaa dadka taageerayaasha ah ee Kizza Besigye waxa ay ku fureen Sunta dadka ka ilmaysiisa, isagana waxaa gaariga kala soo degay oo qabtay ciidamada Booliska.

Sababta Booliska ay u xireen Kizza Besigye, ayaa lagu sheegay inay tahay in uu u hogaa nsami waayay amar ka soo baxay Booliska kaasi oo sheegayay inuusan ciriiri gelin wadooyinka Magaalada.

Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deynaayo Kizza Besigye oo ciidamada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa lagu jiraa maalmihii u dambeeyay ee ololaha doorashada doorashada dalkaasi Uga nda oo maalmaha soo socda la filaayo in Doorashada ay dhacdo.

WARBIXIN: "DADKII CAAWIYEY AMISOM OO HALIS KU JIRA”

{Hay’adda Saferworld ayaa sheegtay in dadka ku sugan deegaanada Amisom ay ka baxeen ay halis ugu jiraan beegsashada AlShabaab.}

WASHINGTON DC—

Warbixin cusub oo laga qoray Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uusan difaac siinin dadka rayidka ah iyo saraakiisha raydika ee dawladda.

Saferworld waxay sheegtay in ka bixitanaka AMISOM ee magaalooyinka uu halis geliyey amniga dadka wadashaqaynta la sameeyey AMISOM iyo dawladda, waxayna ugu baaqday Golaha Amm aanka ee Qaramada Midoobay inuu soo saaro qaraar faraya AMISOM in rayidka la ilalaiyo.

Haaruun Macruuf ayaa waraystay cilmibaare ka tirsan hay’adda Saferworld oo ka hawlgasha ilaa 20 waddan oo Soomaaliya ay ka mid tahay, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey cilmibaarahaas oo lagu magacaabo Sunil Suri in hawlgallada milatari ay ka guulaysanayaan AlShabab?

Waxa uu sheegay kahbiirkaasi inaan AlShabaab weli laga guulaysan, loogana guulaysan doonin qaabka milatari ee ay ku wajahayaan AMISOM iyo SNA, taas caddaynteedana waxaan ka ara gnay, buu yiri, maalmhii lasoo dhaafay saldhigyada ay ka baxeen. Waxaynu ogaanay ayuu yiri in culayska weyn ee la saaray dhinaca milatari uu beesha caalamku indhahooda ku jeediyey in xalku yahay AlShabaab oo milatari ahaan lagu waajaho.

Sunil Suri waxaa kale oo la weydiiyey waa maxay sababta aysan istiraatijyada milatariga ku sala ysan xalka u nqoon karin?. Sababtu waxay tahay ayuu yiri qodobka ugu muhiimsan ee halbowl aha u ah waxa weeye inuu amni abuuro hawlgalku, laakiin amniga yuu u abuurayaa weeye su’ aashu? Waxa laga yaabaa inuu amni u abuuray annaga ku sugan London iyo Wahsington, laakiin amniga muxuu uga dhigan yahay Soomaalida dalka ku sugan? Amnigau muxuu uga dhigan yah ay marka aan ka fikirno qofka ku sugnaa magaalada Marka ee loo dilay waxaad la shaqaysaa AMISOM iyo dawladda kadib markii laga baxay magaalada dhowaan ayuu yiri.

Sunil waxa uu sheegay in Istiraatijiyadda milatari aysan noqonin mid waxtar leh sababtoo ah, buu yiri, amni uma abuurin dadkii Soomaaliyeed, waxayn inta badan mudnaanta siinaynsaa amniga caalamiga ah. Waxaa loo baahan yahay ayuu yiri Sunil Suri in dadaal dheeri ah la sameeyo sidii loo xoojin lahaa amniga dadka.

Inkastoo ay Waajibaadka AMISOM tahay inay ilaaliso rayidka haddana waxaa loo baahan yahay ayuu yiri in si cad Golaha Ammaanku u faro AMISOM inay si degdeg ah u sugto amniga dadka rayidka, marka ay degaanno ka qabsato AlShabab. Waa in qaraar kasoo baxay Q.M lagu cadde eyaa taasi, tani waxay ka hortagaysaa, ayuu yiri, inay dhacdo tii dhowaan ka dhacday magaalada Marka oo kale.

Mar la weydiiyey waxyaabaha xalka u noqon kara xoojinta hay’adaha amniga ah ee Soomaa liya, Sunil Suri waxa uu uu ku jawaabay oo uu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la tixgeliyo sidii loo yarayn lahaa ku tiirsanaanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Marka ay sii dheeraato joogitaankooda Soomaaliya waxay taasi kordhin kartaa, ayuu yiri, xasaa siyad, waxayna fursad u noqon kartaa AlShabaab inay kaga horyimaadaan oo ay kula sii dagaa lamaan dawladda. Waxaa xalka qayb ka noqon karta ayuu yiri inay beddelaan ciidamada kale ee Afrika ah ee ka socda waddamo ka fog Soomaaliya, laakiin xalka muddada fog waa in diiradda la saaro dhismaha ciidan Soomaaliyeed.

VOA Somali

DUMARKA INTEE IN LE'EG AYEY SIRTA HEYN KARAAN? *DARAASAD*.

Daraasad dhanka cilmiga bulshada (SOCIAL SCIENCE) ah oo Maraykanku sameeyeen ayaa muujisay in haweenku hayn karaan sirta wax ka yar 38 saacadood, badankooduna ay sirta u gudbiyaan dad aanay khusayn oo aan danaynayn.

Drs Margaret Powell oo ku takhasustay cilmiga bulshada kana hawlgasha jaamacadda Michigan ee Dalka Maraykanka ayaa qortay warbixin dheer oo ay ugu magac dartay ‘Hawe enaydu waa wakaaladii warareed ee ugu qadiimsanayd caalamka’ ayaa waxay ku sheegtay in haweenaydu sirta xafidi karto muddo 38 saacadood ah ugu badnaan, iyadoo daraasadda oo laga sameeyey ilaa shan boqol oo haween ah oo u dhashay wadanka Masar da’dooduna u dhexayso 18 ilaa 60 sanadood ay haweenku ictiraafeen in aanay hayn karin sir ay ogaadeen si kastoo ay sirtaasi u tahay mid shaqsiyadeed ama mid khatari ku lammaan tahay.image

Daraasaddu waxay caddaysay in haweenku sirta u gudbiyaan cid aan danaynayn oo aan wax xidhiidh ah la lahayn mowduuca ay sirtu ku saabsan tahay , iyagoo sadex dalooloow labo dal ool oo haweenkaasi ka mid ahi ay dareemaan inay dembi galaan ka dib marka ay sirta bixiyaan. Daraasadani dhanka kale waxay muujisay in adeegsiga taleefoonada iyo Internetku ay sii kor dhiyeen bixinta siraha aadamaha, laakiin haweenka ku nool meelaha baadiyaha ah ee wad ankaasi masar ay sirta ku bixiyaan badanaa meelaha beeraha ah.

Dhanka kalena waxaa jira baaqyo iyo fikrado kala duwan oo aan bixinta sirta, iyo xafidaad eeda u kala saaraynin ragga iyo haweenka, tusaale ahaan Haweenayda lagu magacaabo Murawa Ruffaaci oo macalimad ka ah Jaamacadda Xilwaan ee magaalada Qaahira waxay aaminsan tah ay in bixinta sirtu ku xidhan tahay tarbiyadii uu qofka bani’aadamka ahi helay xiligii caruurn imadiisa, waxana iyada oo arintaa ka hadlaysa ay tidhi: ‘ Hadii qofku ku dhashay oo ku barbaaray deegaan ay ka jirto kanaa yiri & waxaa la yiri, waxa uu noqonayaa oo la qabsanayaa inuu bixiyo sirta uu ogaado” wxana ay macalimadu sheegtay in caruurtu yihiin kuwa ugu xafidaada badan sirtooda weliba sanado badan, laakiin kuwa bixiya sirta ee kashifaa ay yihiin dadka looga baahan tahay xafidaadeeda.

Xigasho:somaliweyn.com

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Shabelle Relief and Development Organization

(SHARDO)

OO KUU HEYSO OGEYSIIS MUHIIM AH:-



KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada, iyo mashaariic kala duwan.

Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan:

1.Tailoring and tie and dye ( harqaan iyo naqshadeenta dharka)

2.Electric installation ( Koronta xirid)

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:

Haddaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)

Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2 da xirfadood waxaa laga rabaa

·Waa in uu yahay Somali

·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir

·Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood

·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday

·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo

·Waan in uusan wax dambi ah ka galin bulshada

·Waa in uu layimadaa qof damiin ah

·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto

·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta

·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir

FIIRO GAAR AH:

Ø Barashada harqaanka iyo naqshadeenta dharka waxaa kaliya soo codsan karaa DUMARKA oo kaliya

Ø Barashada xirfada korontada waxaa soo codsan karaa Ragga oo keliya

Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.

Qofkii daneynaayo fursadahaas waa in uu layimaado 4 xabo oo sawir ah.

SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:

MACALINKA XIRFADAHA AYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAAA:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay (SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay macalinimada muddo aan ka yareen 2 sano

·Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xarunta SHARDO ay ku taalo Degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.

Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 17 ilaa 25 February 2016. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran

061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993

ama Email: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

 

HAY'ADDA SHARDO WAXAA KA BANAAN FURSADO SHAQO KALA AH:

1.Project Manager (Madaxa Maruuca)

2.Project Accountant ( Xisaabiyaha Mashruuca)

3.Project Mentor ( La taliyaha ardayda)

SKILL TRAINING

(a.)Electric Installation Trainer (Macalin Koronto)

(b.)Tailoring Trainer (Macalin Harqaan)

(c.)Tie & dye Trainer (Naqshadeynta Dharka)

SHURUUDAHA SHAQAALAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:

Codsadaha Shaqada aynu soo sheegnay waxaa laga doonayaaa:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay ( SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay shaqada uu soo codsaday muddo aan ka yareen 3 sano

·Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip