Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)

0
Monday February 15, 2016 - 21:45:33 in Featured by
  • Visits: 1918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)

    OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada,  iyo mashaariic kala duwan.

Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan:-

1.       Tailoring and tie and dye ( harqaan iyo naqshadeenta dharka)

2.       Electric installation ( Koronta xirid)

 

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:

Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)

Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2 da xirfadood waxaa laga rabaa

·         Waa in uu yahay Somali

·         Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir

·         Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood

·         Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday

·         Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo

·         Waan in uusan wax dambi ah ka galin bulshada

·         Waa in uu layimadaa qof damiin ah

·         Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto

·         Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta

·         Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir

FIIRO GAAR AH:

Ø  Barashada harqaanka iyo naqshadeenta dharka waxaa kaliya soo codsan karaa DUMARKA oo kaliya

Ø  Barashada xirfada korontada waxaa soo codsan karaa Ragga oo keliya

Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.

Qofkii daneynaayo fursadahaas  waa in uu layimaado 4 xabo oo sawir ah.

SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHAN  YAHAY:    

MACALINKA XIRFADAHA AYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAAA:

·         Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay ( SHAHAADO)

·         Waa inuu qibrad dheer u leeyahay macalinimada muddo aan ka yareen 2 sano

·         Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xarunta SHARDO ay ku taalo degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.

Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 17 ilaa 25 February 2016. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran

061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993

ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

...............................................................................................................................................................

HAY'ADDA SHARDO WAXAA KA BANAAN FURSADO SHAQO KALA AH:

1.       Project Manager (Madaxa Maruuca)

2.       Project Accountant ( Xisaabiyaha Mashruuca)

3.       Project Mentor ( La taliyaha ardayda)

SKILL TRAINING

(a.)  Electric Installation Trainer (Macalin Koronto)

(b.) Tailoring Trainer (Macalin Harqaan)

(c.)  Tie & dye Trainer (Naqshadeynta Dharka)

 

SHURUUDAHA SHAQAALAHA LOOGA BAAHAN  YAHAY:    

Codsadaha  Shaqada aynu soo sheegnay waxaa laga doonayaaa:

·         Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay ( SHAHAADO)

·         Waa inuu qibrad dheer u leeyahay shaqada uu soo codsaday muddo aan ka yareen 3 sano

·         Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip