Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka oo sheegay in loo soo gacan geliyay Sharciga Axsaabta

0
Monday February 15, 2016 - 19:40:38 in Wararka by
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka oo sheegay in loo soo gacan geliyay Sharciga Axsaabta

    Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo soo gacan geliyay Sharciga Asxaabta siyaasada, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Wasiiradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo soo gacan geliyay Sharciga Asxaabta siyaasada, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Wasiiradda.

Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sharcigan uu noqon doono mid ka mid ah Sharciyada ugu muhiimsan ee dalka.

Mr Jeesow ayaa intaa ku daray in maalmaha soo socda loo soo gudbin doono Baarlamaanka, si looga doodo, isla markaana kama dambeys ay ansxiyaan.

"Waxaa idin sheegayaa in aan gacanta ku heyno Sharciga Xisbiyada Siyaasada, waxaa sharcigan uu noqon donaa mid ka mid ah tiirarka ugu waa weyn ee Qaran, wuxuu tiir dhexaad u noqon doonaa dimoqraadiyada”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Illaa 22 ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee ka jira Muqdisho ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay hor-taagan tahay sharciga Axaabta siyaasada.

Soomaaliya oo xilligan aanu ka jirin xisbiyo sharciyeysan ayaa waxaa lagu wadaa in marka la meel mariyo sharciga Xisbiyada badan in Xisbiyada ay soo buuxiyaan shuruudaha, isla markaana ay noqdeen Xisbiyo siyaasadeed oo mucaarad iyo muxaafid ah.

Xigasho:jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip