Ardaygii S+A+C, qori waayay ee leh:K+UU+L+EE+Y ,C+A+L+I,B+A+N+J+A+R ayaan qorayaa,Xilkeed ku aamini leheeyd?=Nasashada Jimcaha.Q-158 aad.=

0
Friday July 26, 2019 - 16:23:31 in Wararka by
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardaygii S+A+C, qori waayay ee leh:K+UU+L+EE+Y ,C+A+L+I,B+A+N+J+A+R ayaan qorayaa,Xilkeed ku aamini leheeyd?=Nasashada Jimcaha.Q-158 aad.=

    1-Nin Sheikh ah oo Dad wacdinayay ayaa yiri: Xallaalu ma dhunto. Hadda ka hor ayaa 3 Tuug waxa ey Nin Safar ah ka xadeen Dameer Dahab ugu rarnaa. Labo ka mid ah ayaa kii kale u heshiiyay, Dagaal dheer kadib waa dileen. Labadii soo hartay mid ayaa kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Sheikh ah oo Dad wacdinayay ayaa yiri: Xallaalu ma dhunto. Hadda ka hor ayaa 3 Tuug waxa ey Nin Safar ah ka xadeen Dameer Dahab ugu rarnaa. Labo ka mid ah ayaa kii kale u heshiiyay, Dagaal dheer kadib waa dileen. Labadii soo hartay mid ayaa kii kale 4 jeer Caloosha Middi uga muday, waana dilay, isagiina Buur dheer ayaa ka soo dhacay. Dameerkii oo kaligii ah ayaa dib isaga soo noqday. Waxa uuna ka horyimid Ninkii lahaa oo baadi goobayo. Dadkii waa u khusuuceen sheekadii sheekha ee Xallaalu ,ma dhunto. Wiil yar oo Jamaaceeda la joogay ayaa yiri: Sheekhoow haddii 3dii Tuug wada dhinteen, in sheekadu sidaan u dhacday, yaa soo wariyay ma Dameerkii? Shiikhii mar hore ayuu Hurday, yaa u jawaabayo. ( F.S: 1aad)

(Gudiga baarayo Qaraxyadu war bixintoodu yeeyna noqon, mid aan u khushuucno, iyada oo aan la Aqoon Cidda laga soo wariyay, Haddii Sheekhiiba hurday)

2-Adeer Cabdi, Weligeey ma aanan arag isaga oo Salaadda Subax Masjidka u socdo, Laakin Hadda Subax kasta isaga oo Rucleynayo ayuu xaafadda maraa, Garoonka Xaafadda ayuuna 3 jeer ku soo wareegaa.

Markii aan weydiiya Sababta uu Garoonka ugu dhax socsocdo,waxa uu yiri: Ma ogid miyaa? Socodka Subaxdii Jirka iyo dhiiga ayuu Dufanka ka saaraa, haddii aad qabto cudurka Korostroolka.

Aniguna waxaan ku iri: Socodka Subixii loo socdo Masaajidkuna Jirka ayuu ka dhaqaa Dunuubta. Adeer Cabdi ilaa hadda ilama hadlo. ( F.S: 2 & 3aad)

( Labada socodba waa loo baahan yahay ee midkoodna ha ka tagin, Amniga iyo Maamul gobaleedyadu waa wada muhim ee mid kaliya haku mashquulin)

3-Wiiloow haddii Laba Gabdhood oo ku jecel ey dartaa isku dagaalaan, oo mid la lagdo, dhulkana la dhigto, lana cijeeysto. Labada tan xoogga yare e laga guuleeystay Guurso.!!!!!!.Tan xoogga badan yeyna adigana Berri ku garaacin.

( Dhuusamareeb iyo Cadaad, Midee dhali doonto. Madaxweyne: Lafta Gidireen)

4-Macallin ayaa arday dugsi hoose ku yiri: Qor Magaca SAC. Waana Saddex Xaraf oo kaliya, S+A+C. Wiilkii oo Sac Qori waayay ayaa yiri: Macallin SAC waa Xayawaan weyn, Marka hore Maad i tiraahdid Qor Xayawaanada yar yar Magacooda, Sida Dabagaale iyo Kuuley Cali Banjar, Hooyo ayaan u sheegaa in aad tahay Macallin xun. ( F.S: 4 & 5aad)

( Ardaygii S+A+C, qori waayay ee leh: K+UU+L+EE+Y ,C+A+L+I,B+A+N+J+A+R ayaan qorayaa..Xilkeed ku aamini leheeyd?)

5-Naag ayaa u tagtay Dhakhtar kuna tiri: Datoore, Ninkeyga wal wal iyo Hurda la’aan ayaa ku dhacday. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Kaniinigaan ayaa loo isticmaalaa. Waxa ey ku tiri: Sideen u siinayaa? Meeqa xabbo ayaana siinayaa? . waxa uu ku yiri: Cidda la siinayo isaga ma ahan ee waa Adiga. Haddii aad Adigu dhaqsi u hurudo, isaguna waa hurdayaa, Welwelkuna waa ka yaraanaya.

( Mid u baahan in Isaga Amaankiisa la ilaaliyo, armaad Adigu Amaan u dirsataa)

6-Gabar Reer Garowe ah, ayaa Aabeheed ku tiri: Aabe Imtixaan ayaa ii soo dhaw, Caawa Gabdhaha deriska ayaan wax la soo Aqrisanayaa… Aabihii ayaa ku yiri: May, Maya, Halkaan ku aqriso, ma bexeysid. Waxa ey ku tiri: Aabe maxaa dhacay? Waxa uu ku yiri: Hooyadaa ayaa hadda ka hor, Hooyadeed ku tiri sidaan. Aniga ayeyna ii timid. ( F.S: 6aad)

( Siyaasadda, Filim Dadkii soo daawaday ey weli Noolyihiin, dib looguma shido)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip