SAWIRO:-Wakiil QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha K/Galbeed

0
Thursday July 18, 2019 - 22:26:45 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wakiil QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha K/Galbeed

    Wafdiga uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxana soo dahweyn u sameeyay Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdiga uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxana soo dahweyn u sameeyay Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha koonfur Galbeed. Intaasi kadib wafdiga Wakiilka QM ee Soomaaliya & Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxaa ay kulan ku qaateen xarunta Madaxtooyada, iyaga oo ka wada hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd . Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dowlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahadceliyey Wafdigan Maanta garay magaalada Baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip