Taliska ciidamada booliska oo digniin u diray gaadiidleyda

0
Thursday July 18, 2019 - 22:09:45 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidamada booliska oo digniin u diray gaadiidleyda

    Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gaadiidleyda gobolka Banaadir u diray digniin, talisku uu u diiday in ay gaadiidka dhigtaan hareeraha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo ay barteeda bulshada soo dhigtay afhyaee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gaadiidleyda gobolka Banaadir u diray digniin, talisku uu u diiday in ay gaadiidka dhigtaan hareeraha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo ay barteeda bulshada soo dhigtay afhyaeenka ciidamada booliska janaraal Sakiya Xuseen ayaa dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir lagu faray in ay ka feejignaadaan goobta ay dhigayaan gaadiidkooda. "Laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta" ayay tiri Zakiya. Gaadiidleyda ayuu talisku ku wargeliyay in ciddii iska dhaga tirta digniinta ee dhigta gaadiidkeeda meel aan ku habbooneyn la la wareegi doono tallaabana laga qaadi doono. Dadweynaha gobolka ayuu talisku ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka kuna soo wargeliyaan haddii ay arkaan baabuur ay ka shakiyaan si looga hortago dhibaatada ka hor inta aanay halis galinin nolosha bulshada. Laamaha ammaanka ayaa bilihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday howlo lagu sugayo ammaanka caasimadda iyada oo la arkayay ciidamada magaalada ka samaystay baro koontorool oo ay ku baaraan gaadiidka gaarka loo leeyahay. Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa xasillooni iyada oo ay aad u yaraadeen falalkii u badnaa qaraxyada ee al.Shabaab ay la beegsan jirtay goobaha muhiimka ah sida hoteelada iyo wasaaradaha.

Ciidamda ammaanka oo 3-ruux u soo qabtay qarax gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip