QM oo billad sharaf guddoonsiisay ilaalada gaarka ah ee xafiiskeeda Soomaaliya

0
Thursday July 18, 2019 - 22:05:39 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo billad sharaf guddoonsiisay ilaalada gaarka ah ee xafiiskeeda Soomaaliya

    Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa abaalmarin iyo billad sharafba guddoonsiiyay askarta ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo yaqaanno UNGU. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday howlgalka Qaramada Mido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa abaalmarin iyo billad sharafba guddoonsiiyay askarta ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo yaqaanno UNGU. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ciidamada ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Qaramada Midoobay ee shaqada gaarka ah. Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo billad sharafta bixinayay ayaa amaanay wadashaqeynta aadka u wanaagsan ee ka dhaxeysa ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. James Swan ayaa intaasi ku daray in wadashaqeynta ciidamada uu wax badan ka badalay ammaanka Soomaaliya. Taliya xigeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM James Lakara ayaa ciidamada ku amaanaya sida ay waajibkooda u gudanayaan iyada oo ay jiraan caqabado badan. Ciidanka ilaalada gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ilaaliya shaqaalaha rayidka ah, qalabka iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

QM oo billad sharaf guddoonsiisay ilaalada gaarka ah ee xafiiskeeda Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip