Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay (Wareegto)

0
Thursday July 18, 2019 - 09:40:25 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay (Wareegto)

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Gudodomiyeyaal Cusub u Magacaabay gobolada Sanaag iyo Haylaan,sidoo kale uu Magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye kuxigeenka Garoonka Magalada Boosaaso. Wareegto kasoo baxday Xafiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Gudodomiyeyaal Cusub u Magacaabay gobolada Sanaag iyo Haylaan,sidoo kale uu Magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye kuxigeenka Garoonka Magalada Boosaaso. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip