Sawirro:-RW Ku-Xigeenka Dalka Oo Shir Ka Furay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:40:36 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-RW Ku-Xigeenka Dalka Oo Shir Ka Furay Magaalada Muqdisho

    Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa kasoo qayb galay beesha caalamka iyo mas'uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini'aadninimo. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenku ayaa sheegay in abaaaraha soo noqnoqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa'iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha. Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip