Britain Oo Markii 3-Aad Markab Dagaal U Diri Doonta Gacanka Bershiya

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:39:08 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Britain Oo Markii 3-Aad Markab Dagaal U Diri Doonta Gacanka Bershiya

    Dowladda Britain waxay shaacisay inay soo diri doonto Markabkii 3-aad ee Dagaalka iyo Markab Booyadle ah oo ay Ciiddanka Badda leeyihiin, si ay u soo gaaraan Gacanka Beershiya oo ay xiisado kacsan ka jirto. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Britain waxay shaacisay inay soo diri doonto Markabkii 3-aad ee Dagaalka iyo Markab Booyadle ah oo ay Ciiddanka Badda leeyihiin, si ay u soo gaaraan Gacanka Beershiya oo ay xiisado kacsan ka jirto. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay inaysan Maraakiibta la soo dirayo aysan wax xiriir ah la lahayn Xiisadda dalka Iiraan. Markabka Dagaalka ee ay Britain soo diri doonto oo ah nooca wax burburiya ayaa lagu magacaaboHMS Duncanwaxa uu hubin doonaa Ammaanka Maraakiibta Britain ee marinkooda yahay Gacanka Bershiya iyo Gacanka Carbeed. Wasaaradda Difaaca ee UK waxay kaloo sheegtay in sannadkan gudihiisa ay Markabka Dagaalka eeHMS Kentloo soo diri doono Mandiqadda, si uu hawsha ugala wareego Markabka kale ee Britain eeHMS Duncan. Sidoo kale, Markab kale oo nooca Caawiyaha ah, laguna magacaaboRFA Wave Knightayaa la filayaa inuu bilowga bisha soo socoto u soo jiheysto Gacanka Bershiya ee ay horey u buux-dhaafiyeen Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka. Wasaaradda Difaaca ee UK waxay tilmaamtay in qorshaha Dhaqdhaqaaqa Maraakiibtooda Dagaalka aysan wax calaamad ah u ahayn inay Britain xiisad ka dhalinayso Gobalka, balse uu dhaqdhaqaaqaasi yahay mid iska caadi ah. Mar sii horreyay, Afhayeenka Ra'isul-wasaaradda Britain ee xilka ka sii degaysa, Theresa May ayaa sheegay in xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan dalalka Reer Galbeedka iyo dalka Iiraan inaysan dan u ahayn qofna. Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay dowladda Iiraan ku hanjabtay inay Britain ka aar-goosan doonaan Markabkii shidaalka Iiraan ee ay bilowgii bishan July gacanta ku dhigeen Ciiddanka Britain.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip