Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey oo Jowhar kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Madaxweyne Waare iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar siweyn ugu soo dhaweeyay wafdiga wakiilka Qarramada Midoobey.
Wakiilka ayaa kulan la qaatay madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta howlgalka Qaramada midoobay iyo maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa wakiila howgalka Qarramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.
Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa saddexaad ee uu ku tago sowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.
Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey oo Jowhar kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan. Madaxweyne Waare iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle oo uu ka mid