Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la hubiyay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed
Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gudanaya waajibaadka xajka inay heli doonaan adeegyo iyo farsamo la hubiyay.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta xukuumadda Soomaaliya,Cismaan Aaadan (Dhuubow) ayaa xaqiijiyay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda.
Wasiir Dhuubow ayaa inta ku daray in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay.
Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la hubiyay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed
Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gudanaya waajibaadka xajka inay heli doonaan adeegyo iyo farsamo la hubiyay. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta xukuumadda Soomaaliya,Cismaan Aaadan (Dhuubow) ayaa xaqiijiy