Dowladda oo si buuxdo ula wareegtay amniga Dhuusamareeb (SAWIRRO)
Dowladda Somaliya ayaa maanta si buuxdo loogu wareejiyay gacan ku haynta amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Ciidamada Dowladda ee lagu wareejiyay amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa isugu jira Ciidamadii Booliska iyo NISA ee horey uga hawlgeli jiray Galmudug iyo Xoogagii Ahlu Sunna, ee ay qarameysay Dowladda Somaliya, laguna kala daray NISA & Booliska.
Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo xubnaha kale ee kula sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa galabta kormeer ku tagey xarumaha ay ku jiraan ciidamada la isu dhafay ee lagu wareejiyay amniga magaalada.
Ra'iisal Wasaare Khayre ayaa warbixino ku aadan qaabka ciidamada la isugu dhafay iyo sida loogu wareejiyay amniga magaalada ka dhageystay Saraakiisha Booliska & NISA ee arrimahaasi loo wakiishay.
Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ugu dambeen Ra'iisal Wasaaraha Somaliya warbixin ka siiyay shaqada adag ee ay ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb.
Kormeerkan ayaa waxaa Ra'iisal Wasaare Khayre ku wehlinayay masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Dhuusamareeb waxay noqoneysaa magaaladii ugu horeysay oo Galmudug iyo Ahlu Sunna wada jooggaan oo amnigeeda ay la wareegto Dowladda Federaalka Somaliya.
Dowladda oo si buuxdo ula wareegtay amniga Dhuusamareeb (SAWIRRO)
Dowladda Somaliya ayaa maanta si buuxdo loogu wareejiyay gacan ku haynta amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Ciidamada Dowladda ee lagu wareejiyay amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa isugu jira Ciidamadii Booliska iyo NISA e