Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Jarmalka kulamo kula yeeshay madax iyo diblomaasiyiin

0
Sunday February 14, 2016 - 18:24:45 in Wararka by
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Jarmalka kulamo kula yeeshay madax iyo diblomaasiyiin

    Munich, 13 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalaya shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016), ayaa maanta kulamo la qaatey madaxa iyo diblomaasiyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munich, 13 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalaya shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016), ayaa maanta kulamo la qaatey madaxa iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxda uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ah Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa madaxda uu la kulmay uga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya.

—————————-DHAMMAAD—————————



FullSizeRender

Pres. Hassan Sh. Mohamud and Norwegian FM Børge Brende in Munich, Feb, 13th 2016. Photo by Villa Somalia

12735589 10153896854290480 1098457628 n

Pres. Hassan Sh. Mohamud and British FM, Philip Hammond in Munich, Feb. 13th 2016. Photo by Villa Somalia

12695706 10153896651130480 634586840 n

Pres. Hassan Sh. Mohamud and his delegation meeting Jan Eliasson, UN Deputy Secretary-General. Munich, Feb. 13th 2016.


 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip